(SLT-London)Liverpool ayaa guul kasoo gaadhay kooxda ree London ee Fulham kulan xiiso badan oo labada dhinac ku dhex maray Craven Cottage kaas oo ay goolasha Reds guusha u horseeday ay dhaliyeen Sadio Mane iyo James Milner halka goolka Fulham uu dhaliyay Ryan Babel.
Guushan ayaa kooxda Jurgen Klopp ka caawinaysa inay si kumeel gaadh ah ugu laabtaan hoggaanka horyaalka oo ay haatan laba dhibcood kaga sii hayn doonaan Manchester City oo uu baaqi u yahay kulanka Manchester Derby ee ay booqanayso Man United.
Shaxihii Labada Kooxood Ee Kulankan
Fulham
Liverpool
Falanqaynta Guud Ee Kulanka
Labada kooxood ayaan wax fursado ah oo xoogan muujin bilawga ciyaarta balse waxa isku dayo aan badnayn sameeyay xiddigaha kala ah Mohamed Salah, Joel Matip iyo Jean Michael Seri.
GOOAL: fursadii ugu horreysay ee dhab ah ee kulankan ayaa noqotay mid shabaqa gaadhay,
Sadio Mane ayaa kasoo xarooday garabka bidix isaga oo baas u dhiibtay Roberto Firmino kaas oo isna baas u furay Mane oo inta badan xiddigaha labada kooxood kula dhex jira xerada ganaaxa waxaana uu weeraryahanka ree Senegal kubad ku hubsaday goolka Fulham.
Goolkan ayaa ah midkii 17-aad ee uu horyaalka ka dhaliyo Mane waxaana uu halkiisa kasii wada bandhiga duufaanta ah ee uu soo waday kulamadii ugu dambeeyay.
Robertson ayaa markiisa kubadda ku laagay goolka Fulham balse goolhayaha kooxda ree London ayaa si sahlan ku xakameeyay kubadda.
Qaybta hore ee kulanka ayaa kusoo dhammaatay 0-1 ay hoggaanka ku haysatay kooxda Liverpool, Waxa xusid mudan in 45-kaas daqiiqo ay ahaayeen kuwo halista gool dhalintu ay ku yarayd.
Wijnaldum ayaa fursad furan ku hor helay goolka Fulham daqiiqadii 53-aad kaddib karoos uga yimid dhinaca Robertson balse khadka dhexe ee ree Holland ayaa fursadaas iska khasaariyay oo dhinac mariyay goolka.
Mane ayaa qarka u fuulay inuu hoggaanka u dheereeyo kooxdiisa daqiqadii 74-aad ee ciyaarta kaddib markii uu birta ku garaacay kubad uu madaxa ku hirdiyay oo uga timid dhinaca da’yarka Trent Arnold.
GOOAL: Fulham ayaa la timid goolka bar-bardhaca ee kulankan kaddib markii uu Ryan Babel ka faa’idaystay baas uu Van Dijk u waday goolhaye Alisson balse si buuxda u gaadhi waayay waxaana uu daba maray goolhayaha ree Brazil isaga oo gool banaan dhex dhigay kubadda.
Intaa kaddib Reds ayaa bilaabay dadaalo badan oo ay doonayaan inay soo ceshadaan hoggaanka kulanka iyaga oo sameeyay fursado is daba joog ah.
Rigoore: Goolhayaha Fulham ee Sergio Rico ayaa gool kulaad ku galay Sadio Mane kaas oo kaga adkaaday kubadda.
GOOAL: James Milner oo kulanka bedel kusoo galay ayaa rigoorahan u bedelay gool isla markaana kubad uu ku aadiyay badhtamaha goolka shabaqa dhex dhigay.
Ugu dambayn, Kulanka ayaa kusoo dhammaaday guul ay 1-2 ku gaadhay kooxda martida ahayd ee Liverpool waxaana ay ciyaartani ka caawisay inay ku laabtaan hoggaanka horyaalka Premier League