Connect with us

somalilandtoday.com

Laba Qof Oo Ku Geeriyooday Shil Baabuur Oo Shalay Dhacay Degmada Arabsiyo Ee Gobolka Gabiley.

focus

Laba Qof Oo Ku Geeriyooday Shil Baabuur Oo Shalay Dhacay Degmada Arabsiyo Ee Gobolka Gabiley.

(SLT-Arabsiyo)-Allaah ha u naxariistee laba Qof ayaa ku geeriyooday Shil baabuur oo Shalay ka dhacay degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley.

Laba Qof oo Rag iyo Dumar ah ayaa Geeriyooday ka dib, markii gaadhigii ay la socdeen oo ahaa Suzuki ay isku dhaceen Booyad ka mid ah kuwa Magaalada Biyaha u dhaamiya.

Guddoomiyaha Degmada Arabsiyo Xamse Xuseen oo ka hadlay Shilka ay labada Qof ku geeriyoodeen, ayaa sheegay in Gaadiidka booyaduhu dhibaato ku hayaan Magaalada Arabsiyo, maaddaama buu yidhi ay inta badan Shilalku dhacaan marka ay u kala dheeraynayaan Ceelasha ay Biyaha ka soo dhaamiyaan.

Guddoomiye Xamse oo Arrintaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Runtii, Shil aad u naxdin badan baa ka dhacay, laba Qof oo reer Arabsiyo ah ayaa ku naf waayay oo Wiil iyo Gabadh ah, ka dib markii ay laba Gaadhi isku dhaceen, Gaadhi booyad ah iyo Gaadhi Suzuki ah, gaadiidka Booyaduhu khatar badan ayay ku hayaan degmada Arabsiyo, iyagoo aad mooddo inay Ceelasha biyaha u kala dheeraynayaan.”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in dhibaatada ay Degmadu ku qabto Gaadiidka Booyadaha ay mar walba ku war-geliyaan Laamaha Ammaanka, si ay wax uga qabtaan “Laamaha Ammaanka ayaanu mar walba ku war-gelinaa inay hawshaa wax ka qabtaan, Taliyaha Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka ee Gobolka Gabileyna waanu u ballan-sannahay in Qorshe laga yeesho Shilalka sidan u foosha xun, taasi oo ay keenayso Xawaaraha aan Xadka lahayn ee Gaadiidku ku socdo..”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top