Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Jabuuti Oo Booqasho Ku Tagaya Muqdisho Iyo Waddooyinka Magaalada Oo Xidhan

focus

Madaxweynaha Jabuuti Oo Booqasho Ku Tagaya Muqdisho Iyo Waddooyinka Magaalada Oo Xidhan

(SLT-Muqdisho)-Waxaa saakay xidhan dhammaan waddooyinka magaalada Muqdisho iyada oo lagu soo waramayo in Muqdisho ay booqasho ku imaan doonaan wefdi heer sara ah oo ka socda dalka Jabuuti,iyada oo diyaar garowgaas si weyn looga dareemayo saaka.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa saakay booqasho ku imaanaya magaalada Muqdisho,waxaana la xanibay isku socodka gaadiidka iyo dadka,waxaana la arkayay boqolaal shacab ah oo lugaynaya jidadka halbowlaha ah ee magaalada.

Madaxweynaha dalka Jabuuti lama shaacin waqtiga ay qaadanayso booqashadiisa Muqdisho hase’ahaatee waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda ugu sareysa dowladda sida Madaxweynaha iyo Ra’isul-Wasaaraha Xukuumadda fedraalka Smalia.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top