In badan ayaa waxaa aynu maqalnaa ka hadalka Saami qaybsi ee dhinaca maskabyada siyaasadeed ee Somaliland hadaba ugu horeyn waa maxay macnaha erey saami?
Ereyga Saami waa qayb,qaybin, Iwm taas oo salka ku haysa in shay ama shayo loo qaybiyo si ku saleysan qaab loo wadaagayo shay ka dhexeeya ama dhexyaala cida loo qaybinayo ama qaybasneysa shaygaasi.
Hadii aan macnaha guud ee Saami halkaasi ku dhaafo oo aan u soo noqdo mawduuceena,waxaa aad dirada ku saareynaa Somaliland iyo Sami qaybsiga siyaasada oo in badan laga hadlo marka doorashooyinka dhinaca goloyasha dhinaca wakiilada,degaanada ay soo dhawaadaan,taas oo aad moodo in wakhtigaasi uun la soo baraarugo oo aad maqlaysid doodo ku saabsan dhinaca saami qaybsiga goloyaashaasi!
Si guud hadii aynu u eegno labadan gole ee kala ah:-
Golaha Guurtida (Golaha Sare) oo ah golaha duqeyda, iyo Golaha Wakiilada (Golaha Hoose).
Labada gole oo u wada shaqeeya si toos ah ayaa waxay leeyihiin 82 xubnood iyo gudoon u gaar ah mid kasta.
Wakhti xaadirkan dowlada Somaliland waxay qorshaynaysaa in doorasho baarlamaan dhacdo snadankan 20019 dabayaaqadiisa taasi oo sida qorshuhu yahay la rabo in lagu bedelo golaha wakiilada hada kuwaasi oo kursiga ku fadhiyay tan ilaa sanadkii 2005ta.
Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland waa gole ka tirsan Golaha Baarlamaanka ee Jamhuuriyada Somaliland. Sida caadiga ah, golaha odoyaasha waa “Golaha Sare” ee wadanka kaasi oo ka kooban 82 oday oo laga soo xulay beelaha Somaliland.
Labadan gole waxay ku kala duwan yihiin arimo badan oo dhinaca xilka iyo waajibaadkooda kala ah balse waxaa aan qudha oo hada aan rabaa in aan ka hadlo dhinaca kala duwaanaansha qaabka ay ku yimaadeen goloaha hada joogaa oo kala ah :
Golaha Wakiiladu Waxay ku yimaadeen doorasho toos ah oo dadweynuhu(Somaliland) soo doorteen kuwaas oo ku yimi qaab doorasho oo toos ah ,waxaaney wateen magaca xisbiyo siyaadsadeed oo ay matelayeen
Goloha Guurtidu waxay ku yimaadeen qaab reernimo oo waxaa ay ku saleysan yihiin qabiilnimo ama reer reer
Hadaba sida aan u arko rayigeygu wuxuu ku saleysan yahay in farqiga u dhaxeeya qaabka ay ku dhisan yihiin uu qayb ka yahay muranka saami qaybsiga.
Waayo Kol hadii reer reer lagu soo xulay gololaha guurtida waa in Golaha wakiiladana reer reer lagu soo xulaa ayey ahayd oo kaalinta xisbiyada iyo doorashada tooska ahi meesha ay ka baxaan, ama Golaha guurtida loo diyaariyo sida golaha wakiilada in ay isku rogaan iney doorasho toosa ku soo baxan iyo xisbiyo xisaasadeed.
Mushaakilka kale ee jiraa waxaa uu yahay dhinaca tirade oo lagu saleeyey wakhtigii ka horeyey 1960 kii ee baarlamaankii ugu horeyey ee ay beelaha Somaliland yeesheen maantana waxaa aynu ku jirnaa 2019 wakhtigaana farqiga u dhaxeeya waan garan karaa.
Arintan ma aha arin xalkeedu ku iman kara hambaaburka wakhtiga doorashooyinku soo dhawaato balse waa arin u baahan in qoto dheer loo derso oo xal kama dambeysa laga gaadho ma aha arin si fudud xal looga gaadhi karo waayo baaxada ay arintani lee dahay.
Waa arin u baahan in laga derso dhinaca degaanada tiro koobka dadka,degmooyinka dhaqaalaha,balse ma aha arin salka looga dhigo qabiil iyo reer reer balse waa arin ku saleysan degaanada,degmooyinka xisbiyada siyaasda tiro koobka dadka muwaadiniinta ah iwm.
Qaabkaa hadii loo galo waxaa hadhaya reer reernimada ku saleysan siyaasada Somaliland oo aad moodo in ay ka koriladahay dhinaca siyaasada,dhaqaalaha degaanka iyo wadaniyada, dawladnimo casri ah oo ku dhisan siyasada dhaqaale iyo idealogyada muwaadinimo oo loo siman yahay ayaa lagu heli karaa cadaalad iyo doorasho siyasadeed,balse inta aynu ku warwareegeyno siyaasadii reer guuraga ee 1960 kii wixii ka horeyey oo manta oo aynu joogno 2019 aynu u dhaqmeyno nidaamkii wakhtigaa dhinacna aynu ka abuurney xisbiyo siyaasadeed oo mabda siyaasadeed leh hana aynu reer reer siyasada ku qaybsaneyno ma aha macquul in laga baxo jahawareerka dhinaca saami qaybsiga ee hada laga hadlo.Kolkaa laba mid uun baa la gudboon dadka daneeya arimaha Somaliland ee dhinaca Siyaasada,dhaqaalaha iyo arimaha bulshada kuwaas oo kala ah:
Doorashooyin ku saleysan Saami qaybsi oo ah hab siyaasadeed duug ah oo wakhtiyadii hore la isticmaali jirey ilaa hadana la isticmaalo arimo gaara ama wakhtiyo kooban oo lagu xalilayo arimo markaa taagan balse ku meel gaara oo aan joogto ahan tusaale waxaa u soo qaadan karaa Axdi qarameedkii Somaliland ee Burco,Boorame iyo kuwii la mid ka ahaa.
Doorashooyin ku saleysan xisbinimo oo lagu tartamo qaab dimoqraadi ah oo ku saleysan xisbinimo oo qof kastaba saddexda xisbi ee hada jira ama kuwo kale oo imandoona lagu soo baxo oo saamigu ku saleysnaado xisbi walba codka uu ka helo doorashada sidaana lagu xalilo oo meesha ay ka baxdo reer reernimo oo loo guuro siyaasad ku saleysan mabda iyo aragti siyaasadeed dhaqaale iyo bulsho oo ah in cidii loo bato ay ka taliso oo jaangooso siyaasada qaranka.
labaa arimimood waxaan ahayn uma arko in ay u furan tahay dadka siyaasada Somaliland raba iney hano qaado.
Hadii kale khatar badan ayaa ka dhalan karta oo amaanka,siyaasada wada nolaansha dadka somalind halis ku noqon kara waayo dhulka waa lawada degen yahay oo reer qudha loo 100% degmo keligii wada degani ma jiro oo waa labada degen yahay gobolada,degmooyinka iwm waxaa lagu wada noolaan karaa qaab qaranimo oo lagu horumarin karaa dalka guud ahaanba.
Mahadsanidin
M J Farah
hogaanka.org
rashiid64@outlook.com