Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Biixi Oo Goor-dhawayd Ka Soo ambo-baxay Imaaraadka Carabta, Saacadaha Soo Socda-na Ku Soo Waajahan Hargeysa

focus

Madaxweyne Biixi Oo Goor-dhawayd Ka Soo ambo-baxay Imaaraadka Carabta, Saacadaha Soo Socda-na Ku Soo Waajahan Hargeysa

(SLT-Hargeysa)-Maadaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta dalka dib ugu soo laabanaya.


Waftiga Madaxweynaha oo xalay kulan la qaatay jaaliyadda Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay saaka ambabaxeen madaarka magaalada Abu Dhabi iyaga oo ku soo waajan saacadaha soo socda magaalada Hargeysa.


Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa madaarka ku soo sagootiyay wasiirka wasaaradda cadaaladda ee dalka Imaaraadka Carabta oo horena ugu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Muuse Biixi oo muddo shan maalmood ah ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta ayaan la sheegin cid uu la kulmay intii uu ku sugnaa dalkaasi markaga laga reebo jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan Imaaraadka Carabta.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top