Connect with us

somalilandtoday.com

Go’aan Uu Qaatay Madaxweyne Donald Trump Oo Horseedi Kara In AMISOM Ay Ka Baxdo Soomaaliya

focus

Go’aan Uu Qaatay Madaxweyne Donald Trump Oo Horseedi Kara In AMISOM Ay Ka Baxdo Soomaaliya

(SLT-Muqdisho)-Howl-galka ciidamada Amisom ee Soomaaliya ayaa waxa uu wajihi doonaa halis dhaqaale oo xooggan, oo sababi karta in ciidamada badan ay ka baxaan Soomaaliya, kadib go’aan kasoo baxay maamulka madaxweyne Trump ee dalka Mareykanka.

Trump oo ku dhowaaqay miisaaniyadda dowladdiisa ee sanadda 2020, ayaa waxaa ku jiri dhimis xooggan oo lagu sameynayo lacagta Mareykanka uu ku caawiyo howl-galka Amisom ee Soomaaliya.

Qorshaha Trump ayaa ah inuu dhimso 65% lacagta Mareykanka uu ku bixiyo Amisom. Lacagtaas oo iminka ah sanadii 254 milyan oo dollar, ayaa waxaa laga soo reebi doonaa kaliya 90 milyan oo dollar. Qorshaha Trump ayaa waxaa ku jira in sanadaha xiga la joojiyo lacagtaas gebigeed.

Go’aanka Trump ayaa xaaladda kusii xumeyn doonta Amisom, oo markii horeba wajahaysay dhimis 20% oo ka timid Midowga Yurub.

Dhowaan ayaa waxaa taagnaa muran xooggan oo u dhaxeeyay dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya iyo ururka Midowga Afrika, oo ku saabsan in la yareeyo ciidamada. Burundi, oo ciidamo kun askari ah laga dhimay iyo sidoo kale Uganada oo wajahaysa ayaa aad uga hor yimid, kuna hanjabay inay ciidamadooda kala baxayaan Soomaaliya.
Ururka Midowga Afrika oo inta badan ku tiirsan dhaqaalaha Yurub iyo Mareykanka ayaa waxaa qasab ku ah inuu ciidamada dhimo ama ka yareeyo mushaharka marka ay lacagta yaraato. Ciidamada Amisom oo markii ay imanayeen Soomaaliya qaadan jiray bishii 1500 oo dollar askarigiiba, ayaa hadda sidii lacagta looga jarayey qaata 825 dollar.

Haddii sanadka xiga lacagta Mareykanka ay 65% hoos u dhacdo, waxaa qasab noqon doonto in kumanaan askari oo kale oo Amisom ah dalka laga saaro.

Dalalka Yurub iyo Mareykanka ayaa toban sano kadib garwaaqsaday in Amisom aysan waxba kusoo kordhin Soomaaliya, waxayna ka fakarayaan qorshooyin kale oo ay Soomaaliya ku caawin karaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top