Connect with us

somalilandtoday.com

Aqalka Senet-ka Maraykanka Oo Ansixiyay Qaraar Ka Dhan Ah Sacuudiga.

advertise

Aqalka Senet-ka Maraykanka Oo Ansixiyay Qaraar Ka Dhan Ah Sacuudiga.

(SLT-Washington)Aqalka Senatka ee Maraykanka oo xisbiga Jamhuurigu uu aqlabiyad ka yahay ayaa meel mariyay qaraar lagu soo afjaro taageerada Maraykanku siiyo xulafada Sacuudigu hoggaaminayo ee dagaalka ka wada dalka Yemen.

Qaraarkan oo labada xisbiga ay isku waafaqeen waxaa taageeray 54 xildhibaan waxaana ka soo horjeedsaday 46, arrintan ayaana dhirbaaxo ku noqonaysa siyaasaddii madaxweyne Trump uu ku taageerayay Sacuudi Carabiya iyo hoggaamiyahooda oo dhawaan xiisad soo wajahday.

Madaxweyne Trump ayaa wacad ku maray in uu codka diidmada qayaxan ku hor istaagi doono haddii qaraarkan uu soo dhaafo aqalka uu Dimuqraadigu aqlabiyadda ka yahay.

Dagaalka Yemen ayaa billawday sannadkii 2015kii, kumannaan ruux oo reer Yemen ah ayaana ku dhintay, malaayiin kale ayaana macaluul la il daran.

Maraykanka ayaa Sacuudiga ka iibiya hubka ay dagaalkaas u adeegsadaan, milatarigooduna wuxuu la garab taagan yahay caawimaad dhanka saadka ah iyo taageerada dhanka sirdoonka si xulafadu ay u qaadaan weerarro loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyuhu la socon.

Qaraarka Senate-ka oo ah isku day aan la filayn oo lagu doonayo in lagu xakameeyo awoodda madaxweynaha ayaa doonayaa in milatariga Maraykanku ay collaada Yemen faraha kala baxaan muddo 30 maalmood gudahood ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top