Connect with us

somalilandtoday.com

Shacabka Reer Somaliland Oo Baafinaya Madaxweyne Biixi Iyo Waftigiisii Ku Sugnaa Imaaraadka Carabta

focus

Shacabka Reer Somaliland Oo Baafinaya Madaxweyne Biixi Iyo Waftigiisii Ku Sugnaa Imaaraadka Carabta

(SLT-Hargeysa)-Wafti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo maalmahan ku sugnaa magaalada Abu Dubia ee dalka Imaaraadka Carabta ayaan laga warhaynin meel ay jaan iyo cidhib dhigeen iyada oo shacabka reer Somaliland is weydiinayaan su’aalo la xidhiidha waftiga iyo hawlaha ay ku mashquulsan yihiin.


Waftigan ayaa waxa dadka reer Somaliland ugu dambaysay 9 bishan March markii si meeqaam sare leh loogu soo dhaweeyay madaarka Albateen airport ee magaalada Abu dhabi ee caasimada wadanka UAE, waxaana weftiga Madaxweynaha halkaasi ku soo dhaweeyey Wasiirka Caddaaladda ee Imaaraadka, Sultan bin Saeed Al Badi Al Dhaheri iyo Masuliyiin ka tirsan dawladda Imaaraadka.

Qoraal kooban oo uu wakiil Somaliland ee Imaaraadka Carabtu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxa uu ku sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu la kulmay madax ka mid ah Imaaraadka Carabta walow aanu dadka la wadaagin magacyadda madaxda uu la kulmay Madaxweynuhu iyo xataa wasirro muujinaya inay jiraan kulamadaasi.


Dadka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweynuhu uu Imaaraadka Carabta u tagay hawlo gaar u ah isaga waxaana tuhunkaa sii xoojiyay markii safar ay qayb ka noqon waayeen wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo wasiirka wasaaradda Maaliyadda oo ah xidhiidhiyaha Imaaraadka Carabta iyo Somaliland.


Guuguulaha wargeyska geeska afrika oo ka soo baxa magaalada Hargeysa ayaa waxa si taxader leh uga hadlay arrimahan ay dadku is weydiinayaan ee la xidhiidha safarka Madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee warar ay Somalilandtoday heshay ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu maanta oo arbaco ah la kulmayo jaaliyadda reer Somaliland ee ku sugan Imaaraadka Carabta.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office

Xamse Maxamed Iiman

Hamzeiiman123@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top