Connect with us

somalilandtoday.com

“Dawladii Tukaan Nin Leeyahay Oo Marna Qiimaha Uu Kordhinaayo Marna Qiimo Dhimis Samaynaayo Ayay Inaga Noqotay…” Yaasiin Calase

focus

“Dawladii Tukaan Nin Leeyahay Oo Marna Qiimaha Uu Kordhinaayo Marna Qiimo Dhimis Samaynaayo Ayay Inaga Noqotay…” Yaasiin Calase

(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka ayaa waxa ay soo saartay Wareegto uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradda Cabdillaahi Abokor Cismaan, taasi oo lagu sheegayo in qiimo dhimis lagu sameeyay sumada gaadiidka ee la bedelay.


Haddaba aqoonyahan Yaasiin Calase oo ka mid dadka aqoonta durugsan u leh dhaqaalaha waxna ka dhiga Jaamacadaha dalka ayaa si cilmiyaysan u naqdiyay warqadaa uu soo saaray wasiirku, waxaanu si cad u baayaamiyay in aan wasiirku xaq u lahayn tallaabadaa uu qaaday.


Aqoonyahan Yaasiin Calase ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka waxa uu ku yidhi “Lacagta khidmada ah ee ay dawladu qaada sida lacagta samaynta baasaboradda, liisamadda, sumada gadiidka iyo waxii lamidka ah miyaa qiimo dhimis lagu samayn karaa? (Discount)

Hadiise cashuurta ama khidmada/fee wax laga daynaayo yay tahay in ay samayso ma Wasaaradda Maaliyadda? mise wasaaradda lacagta lagu qabanaayo? Sida lacagta sumadda gadiidka oo lagu qabanaayo wasaaradda gadiidka laakiin ay qaadayso oo uruursanay Wasaaradda Maaliyadu gaar ahaan waaxda cashuuraha barigu.

Mise labadooda midna wax ka badal ah oo kor dhin iyo dhimis toona masamayn karaan ee intii golaha wakiiladu ansixiyeena ayaa la qaadaya ama golaha ayaa dib looga ansixinaya?

Dawladii Tukaan nin leeyahay oo marna qiimaha uu kordhinaayo marna qiimo dhimis samaynaayo ayay inaga noqotay.

“Ma macdaar nin qudhii leeyahay mandhow qarankeenu? Abees.”
Halkan hoose ka akhriso warqada uu soo saaray wasiirku

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top