Wiilka yar ayaa sheegay in uu ku riyoonayo in uu furo shirkad diyaaradeed oo magaceedu yahay “Oceania Express”, wuxuuna tallo weeydiisay agaasimaha sidii uu ku hirgalin lahaa shirkadaas.
Waxa uu intaas ku daray in uu cilmi baaris ku wado nooca diyaaradaha uu u baahanyahay, tirsiyada diyaaradaha iyo waliba nooca cuntada diyaaradda dhexdeeda macaamiisha laga siin doono.
Balse waxa uu sheegay in uu la kulmay qasaaro, wuxuuna agaasimaha weeydiiyay sida looga baaqsan karo arrintaas.
Jawaabta Mr Joyce waxa ay noqotay mahadcelin iyo balanqaad ah in uu la kulmi doono.
Wuxuuse intaas ku daray “Caadiyan dadka suuqa nalagu tartamo waano nama weeydiiyaan, mana siiyo haddii ay i weeydiistaan, balse adiga waad ka duwantahay, waxaana ugu wacan anigaba markii aan wiilka yar ahaa waxaan isweeydiin jiray sida ay diyaaradaha u shaqeeyaan iyo suurtogalnimada in shirkad la asaaso”.