Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Faransiiska Oo Booqasho Ku Tegay Waddanka Jabuuti

focus

Madaxweynaha Faransiiska Oo Booqasho Ku Tegay Waddanka Jabuuti

(SLT-Jabuuti)-Madaxweynaha wadanka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa xalay booqasho ku tegay caasimadda wadanka Jabuuti ee Jabuuti, halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Booqahada Emmanuel Macron ee Jabuuti ayaa qayb ka ah safar 4 maalmood ah oo uu ku marayo wadamada Itoobiya iyo Kenya ee bariga Qaaradan afrika. booqashadiisa ayaa imaanayso iyadoo ay sii kordh saamaynta wadanka shiinihu uu ku leeyahay wadamada Qaarada Afirka.

Dalka Jabuuti ayaa ku yaal Marin biyood muhiin ah oo u dhexeeya Canalka Sues, Badda Cas iyo badda gacanka Cadmeed. Jabuuti waxaa ku yaal Saldhiga milteri ee ugu taariikhda dheer ee Faransiisku ku leeyahay Adduunka. Sidoo kale dalka jabuuti waxaa ku yaal saldhigyo miltari oo ay leeyihiin wadamada Maraykanka, Jarmalka, Jaban iyo dalka shiinaha.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top