Connect with us

somalilandtoday.com

Shirkado Hakiyey Isticmaalka Diyaaradaha Boeing 737-Max 8

focus

Shirkado Hakiyey Isticmaalka Diyaaradaha Boeing 737-Max 8

(SLT-Hargeysa)-Shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa dejisay dhammaan diyaaradaheeda nooca Boeing 737-Max 8 kadib markii mid ka mid ah oo shalay dhacday ay ku dhinteen 157 qof.

Madaxda shirkadda, Tewolde GebreMariam ayaa sheegay in wax kasta ay sababi karaan in diyaaraddaas ay soo dhacdo.

Waxa uu sheegay in shirkadda diyaraadaha Ethiopian Airlines ay ka mid tahay shirkadaha diyaaradaha ee ugu ammaanka badan caalamka.

Shiinaha ayaa sidoo kale amray shirkadaha diyaaradaha dalkaas inay dejiyaan dhammaan diyaaradaha Boeing 737-Max 8.

Sidoo kale shirkadda diyaaradaha Cayman Airways, oo ka shaqeysa dalalka Kareebiyaanka ayaa dejisay dhammaan diyaaradaheeda nooca 737-Max 8.

Diyaaradda Boeing 737-MAX 8 ayaa sidoo kale ah nooca diyaarad badda Java ee dalka Indonesia ku dhacday bishii October ee 2018, markii ay ka kacday magaalada Jakarta, waxaana ku dhintay 189 qof.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top