Connect with us

somalilandtoday.com

Nin U Dhashay Dalka Gariiga Oo Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradeed Ee Ethiopian Airline

focus

Nin U Dhashay Dalka Gariiga Oo Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradeed Ee Ethiopian Airline

(SLT-Addis Ababa)-Antonis Mavropoulos oo ah Muwaadin u dhashay Dalka Gariiga ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu ka mid ahaa Dadkii ku Qornaa Diyaaraddii Bur burtay ee Ethiopian Airline.

Antonis Mavropoulos Ayaa sheegay inuu Mudo laba Daqiiqo ah uu ka soo habsaamay xilliga loogu talagalay inuu Airporta yimaado balse ay diyaaradda ka tagtay,

“Waxaa la i geeyay saldhigga booliska ee ku dhex yaal garoonka diyaaradaha balse Booliska waxa ay ii sheegeen inaan duceysto sababtoo ah waxaan ahaa rakaabka kaliya ee aan raacin duulimaadkii ET 302.”ayuu yidhi Mavropoulos.


Diyaarada Boeing 737 ayaa burburtay daqiiqado yar kadib markii ay ka duushay aroornimadii hore ee shalay garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top