Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Soomaaliya Oo U Ambabaxay Magaalo Madaxda Uganda Ee Kampala

focus

Madaxweynaha Soomaaliya Oo U Ambabaxay Magaalo Madaxda Uganda Ee Kampala

(SLT-Muqdisho)-Wafti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa galabta u ambabaxay magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda.

Madaxweyne Farmaajo oo bishan oo kaliya safarkii saddexaad uga baxay dalka ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo shir ay ka soo qeybgali doonaan qaar ka mid ah madaxda dalal ka mid ah qaarada Afrika.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu la kulmi doono Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni iyo weliba madaxda kale ee ka qeybgalaysa shirka.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa waxaa ay ku soo beegantay xilli uu dhowr jeer Madaxweynaha Uganda uu hadalo qadaf ah ku tilmaamay dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu dhowaan ku dhowaaqay Madaxweynaha Uganda in uu kala bixi doono dhammaan ciidamadiisa jooga dalka Soomaaliya haddii laga dalbado in uu dhimo tirada ciidamada Uganda ee jooga dalka Soomaaliya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top