Connect with us

somalilandtoday.com

Faysal Cali Waraabe Oo Saxeexay Buugga Tacsida Ee La Dhigay Safaarada Itoobiya Ee Magaalada Hargeysa

focus

Faysal Cali Waraabe Oo Saxeexay Buugga Tacsida Ee La Dhigay Safaarada Itoobiya Ee Magaalada Hargeysa

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta tacsi ugu tegay safaaradda Itoobiya ku leedahay Somaliland isagoo ka tacsiyadeeyey safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Somaliland oo ay wehelinayaan hawl-wadeenadiisu, waxaanu guddoomiye Faysal Cali Waraabe saxeexay buugga tacsida ee la dhigay safaaraddaasi.


Qoraal lagu baahiyay facebook guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa waxa lagu yidhi” Waxa aan Maanta Tacsi ugu tagay Xarunta Safaarada Dalka Ethopia ee Magaalada Hargeisa aniga oo uga Tacsiyadeeyay Shilkii Diyaaradeed ee Naxdinta lahaa ee shalay ka dhacay dalka Ethiopia Sidoo kalena waxa aan Sexeexay Buugga Tacsid ee la dhigay Xarunta Safaarada”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top