Hantidiisu aad bay u badneyd waxaana ku tiirsanaa guud ahaan dhaqaalaha uu dalka ku taagnaa.
“Dhaqaalaha uu Musa heystay aad buu u ballaarnaa, lacagihiisuna waxay yaalleen meel walba, taasina waxay xitaa sababtay in aan la xisaabin karin inta ay tiro ahaan dhanneyd lacagtiisa”, waxaa sidaas Radio lugo badan yidhi Rudolph Butch Ware oo cilmiga taariikhda ka dhiga jaamacadda California.
Sidoo kale qoraa lagu magacaabo Jacob Davidson ayaa buug uu sannadkii 2015-kii ka qoray taariikhda boqorkaas reer Afrika ahaa ku yidhi “Mansa Musa wuxuu ka taajirsanaa qof walba oo niyada kusoo dhici kara”.
Sannadkii 2012-kii, Website laga leeyahay Mareykanka oo looga sheekeeyo dadka taajiriinta ah ayaa hantidii uu Musa heystay ku qiyaasay $400bilyan oo doolar, balse dadka ku xeel dheer taariikhda dhaqaalaha waxay intooda badan isku raaceen in boqorkaas hantidiisa aan tiro sax ah lagu jaan goyn karin.
Boqorkii dahabiga ahaa
Mansa Musa waxa uu qoys boqorro ah ka dhashay sannadkii 1280-kii.
Abu-Bakr wuxuu boqortooyada maamulkeeda uga dagay si uu u aado safar uu go’aan ku gaaray.
Sida laga soo xigtay taariikhyahankii qarnigii 14-aad ee lagu magacaabi jiray Shibab al-Umari, oo u dhashay Suuriya, Abu-Bakr wuxuu jecleystay inuu soo ogaado waxa ka dambeeya badweynta Atlantic.
Way shiraacdeen laakiin waligood dib uma soo laabanin..
Taariikhyahannada qaar, sida Ivan Van Sertima, oo u dhashay Mareykanka waxay sheegeen in safarkaas uu gaaray koonfurta Amerika, laakiin taas wax caddeyn ah looma hayo.
Si kastaba ha ahaatee, Mansa Musa ayaa dhaxlay boqortooyadii uu ka tagay walaalkiis.
Markii uu xukunka la wareegay waxaa si weyn u ballaartay xukunkii boqortooyada waxaana la helay kheyraad faro badan oo dahab ah.
Safarkiisii Maka
Inkastoo boqortooyadii Mali ay saldhig u ahayd dahab faro badan, haddana boqortooyada laf ahaanteeda aad caan uma ahayn.
Safarkii Maka wuxuu caan ka dhigay Mali iyo boqortooyadii Musa
Laakiin arrintan waxay isbaddashay markii uu Mansa Musa, oo muslim ahaa go’aansaday inuu soo xajiyo, isagoo sii maraya lama degaanka Sahara Desert iyo Masar.
Waxaa lagu soo warramay in Boqorku uu Mali kala tagay wafdi ay tiradoodu gaareysay 60,000 oo rag ah.
Waxaa sidoo kale raacay ari aad u faro badan oo isugu jiray riyo iyo ido.
Marka taariikhda looga sheekeynayo waxaa lagu tilmaamaa in safarka boqorku uu ahaa magaalo guureysay oo dhex mareysay Saxaraha.
10-kii ruux ee ugu taajirsanaa dunida
Mansa Musa oo ahaa boqorkii Mali, kaasoo noolaa intii u dhaxeysay (1280-1337) – hantidiisa lama qiyaasi karo.
Augustus Caesar oo ahaa boqorkii Roomaanka, kaasoo noolaa intii u dhaxeysay (63 BC-14 AD) – hantidiisa waxaa lagu qiyaasay $4.6tirilyan oo doolar.
Zhao Xu oo ahaa boqorkii Shiinaha, kaasoo noolaa intii u dhaxeysay (1048-1085)- hantidiisa lama qiyaasi karo.
Akbar I oo ahaa boqorkii maamulka Mughal dynasty ee Hindiya, kaasoo noolaa intii u dhaxeysay (1542-1605)- hantidiisa lama qiyaasi karo.
Andrew Carnegie oo ahaa ganacsade kasoo jeeday Scotland iyo Mareykanka, kaasoo noolaa intii u dhaxeysay (1835-1919)- hantidiisa waxaa lagu qiyaasay $372bilyan oo doolar.
John D Rockefeller oo ahaa ganacsade Mareykan ah, kaasoo noolaa intii u dhaxeysay (1839-1937) – hantidiisa waxaa lagu qiyaasay $341bilyan oo doolar.
Nikolai Alexandrovich Romanov oo ahaa boqorkii Ruushka, kaasoo noolaa intii u dhaxeysay (1868-1918) – hantidiisa waxaa lagu qiyaasay $300bilyan oo doolar.
Mir Osman Ali Khan oo ahaa bioqorkii Hindiya, kaasoo noolaa intii u dhaxeysay ( 1886-1967) – hantidiisa waxaa lagu qiyaasay 230bilyan oo doolar
William The Conqueror oo noolaa intii u dhaxeysay (1028-1087)n – hantidiisa waxaa lagu qiyaasay $229.5bilyan oo doolar.