Connect with us

somalilandtoday.com

Wararkii Ugu Danbeeyay Diyaaradii Dhacday Ee Ethiopian Airlines Iyo Raysal Wasaare Abby Ah Oo Booqday Goobtii Shilku Ka Dhacay.

focus

Wararkii Ugu Danbeeyay Diyaaradii Dhacday Ee Ethiopian Airlines Iyo Raysal Wasaare Abby Ah Oo Booqday Goobtii Shilku Ka Dhacay.


(SLT-Addis-ababa) Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa goordhaw waxaa uu booqday degmadda Bishoftu oo 47-Km dhanka Koonfur bari kaga beegan magaalada Adis Ababa ee caasimada Ethiopia, halkaasi oo uu maanta ka dhacay shilka diyaaradeed.

Abiy Ahmed ayaa sheegay in uu muruga la qeybsanayo ehalada dadkooda ku wayay burburka diyaarada Ethiopian Airlines, isagoo amar ku bixiyay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo sababta keenta shilkan diyaaradeed.

Diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlins ayaa nooceedu ahaa Boeing 737, waxaana ay siday149 ruux iyo sideed kamid ah shaqaalaha diyaaradda, iyadoo la xaqiijiyay inay dhammaantood geeriyoodeen rakaabkii.

Sidoo kale war ka soo baxay Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa lagu sheegay inay wada geeriyoodeen 149-kii rakaabka ahaa iyo 8 shaqaalahi diyaarada ah, rakaabka ayaa la sheegay in ay ka soo kala jeedaan ilaa iyo 33 dal, kuwaasi oo kala ah 32-Kenyan ah,18-Qof oo u dhashay dalka Kanada,9-Ethiopian ah,8-dalka Shiinaha u dhashay,8-Mareynkanka u dhashay iyo 7-ruux oo muwaadiniin Britain ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top