Connect with us

somalilandtoday.com

Kenya Oo Laga Yaabo Inay Ka Baxdo Dacwaddii Muranka Xuduud-Baddeedka KaDhexeeya Soomaaliya

focus

Kenya Oo Laga Yaabo Inay Ka Baxdo Dacwaddii Muranka Xuduud-Baddeedka KaDhexeeya Soomaaliya

(SLT-Nairobi)-Wargeyska The East African ee ka soo baxa Nairobi ayaa isweydiiyey in laga yaabo inay Dowladda Kenya ka baxdo Dacwadda Muranka Xuduud-baddeedka kala dhexeeya Soomaaliya ee hor taalla Maxkamadda Caalamiga ee ICJ ee ku taalla magaalada The Hague ee dalka Holland.

Wargeyska waxa uu qoray inay Kenya ku guul-daraysatay inay dalalka deriska iyo Beesha Caalamka helaan Xal Saaxiibtinimo oo lagu xalinayo Khilaafka Xuduud-baddeedkaasi.

Ilo Diplomaasiyadeed ayaa sheegaya inay Dowladda Kenya haatan isku tijaabinayso inay Soomaaliya dib uga laabato Dacwadda taalla Maxkamadda ICJ, si ay ugu qanciso xal ay labada dal ku wadaagayaan Horumarinta kheyraadka Shidaalka iyo Gaaska.

Ilo kale ayaa sheegay inay Dowladda Kenya ku cadaadinayso Somalia inay dib uga laabato Khariidadii ama Maabkii lagu soo bandhigay magaalladda London ee lagu xaraashayey Xirmooyinka Shidaalka iyo Gaaska.

Si kastaba, Soomaaliya wey diiday inay la wadaagaan Khariidada Xuduud-baddeedka lagu dagaalsan yahay.

Dhinaca kale, Dowladda Kenya waxaa lagu hayaa cadaadis si ay u soo celiso Xidhiidhka Diplomaasiyadeed ee Soomaaliya, kadib, markii ay caydhiyeen Safiirkii Soomaaliya, isla markaana ay u yeedheen Safiirkii ka joogay Muqdisho.

Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya waxay keliya oo ay ku heshiiyeen ayaa ahaa in laga wada shaqeeyo Nabadda iyo in la dejiyo xiisadda.
Xigasho: The East African, NBI.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top