(SLT-Khartoum)-Sagaal haween ah oo ka qeyb qaatay dibedbaxyadii ka dhacay Sudan ayaa lagu xukumay min bil xabsi ah iyo labaatan karbaash middiiba.
Waxaa lagu helay dembi ah inay qeyb ka ahaayeen rabshadaha dhacay.
Xukunka ayaa ku soo beegmaya maalin uun ka dib markii uu madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir amray in la sii daayo dhammaan haweenka loo xiray dibedbaxyada ka dhanka ah dowladda ee bilowday bartamihii Disembar.
Sagaalka dumarka ah ayaa la horgeeyay mid ka mid ah maxkamadaha xaaladda degdega ah ee dhawaan loo sameeyay in lagu xukumo dibedbaxayaasha.
Gabar qareen ah oo u doodaysay haweenka ayaa sheegtay inay racfaan ka qaadan doonto xabsiga iyo karbaashka lagu xukumay.
Xukunka lagu riday dumarka ayaa ku soo beegmay maalin uun ka dib markii uu madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir oo xusayay maalinta caalamiga ah ee haweenka uu sheegay inuu ku amray taliyaha hay’adda sirdoonka iyo ammaanka, Saalax Ghosh, inuu sii daayo dhammaan haweenka u xiran dibedbaxyada.