Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda KENYA Oo Xarun Gaara U Samaysay Baadhista Shilkii Diyaarada Ethiopian Airplane .

focus

Dawladda KENYA Oo Xarun Gaara U Samaysay Baadhista Shilkii Diyaarada Ethiopian Airplane .


(SLT-Nairobi)Kenya ayaa garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ka samaysay xarun gaar ah oo ay ka maamusho xogta ku saabsan shilka diyaaradda Ethopian Airlines ee saacado ka hor ku burburtay dalka Itoobiya xilli ay kusoo jeeday magaalada Nairobi.

Wasiirka gaadiidkaa ee Kenya James Macharia ayaa sheegay in qaraabada, ehelada iyo saaxiibada dadkii saarnaa diyaaradda ay u sameeyeen xarun gaar ah oo qofka uu ka heli karo xogta rasmiga ah ee ku saabsan shilka iyo qofkii uu raadinayay.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay shilka dhacay, balse waa uu ka gaabsaday faahfaahin dheeraad ah, balse wuxuu sheegay in heegan la galiyay dhammaan agabyada gargaarka caafimaadka si durba loo maamulo haddii dhaawacyo la keeno.

Dadkii saarnaa diyaraada Itoobiya ayaa u kala dhashay 33 jinsiyadood

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top