(SLT-Hargeysa)-Kal-fadhigii 30-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah uga qabsoomay hoolka shirarka ee xarunta madaxtooyada, waxana lagaga dooday, laguna ansixiyey siyaasado iyo xeerar qaranka faa’iido badan u leh.
Kal-gadhigan oo uu shirguddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayey xubnaha golaha wasiirradu ku ansixiyeen xeerka garyaqaanka guud ee qaranka, kaas oo qeexaya xilka iyo waajibaadka xafiiska garyaqaanka guud ee qaranka oo ka kooban diyaarinta qaybo-qoraallada xukuumaddu curiso, la-talinta sharci ee dhammaan hay’adaha xukuumadda, metelaadda dacwadaha medinga ah ee dhammaan hay’adaha dawladda iyo inuu faafinta rasmiga ah kusoo saaro gebi ahaanba xeerarka ansaxay ee qaranka.