Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Biixi Oo La Filayo In Uu Isku Shaandhayn Ku Sameeyo Xukuumaddiisa Iyo Dareenka Bulshada

focus

Madaxweyne Biixi Oo La Filayo In Uu Isku Shaandhayn Ku Sameeyo Xukuumaddiisa Iyo Dareenka Bulshada

(SLT-Hargeysa)-Magaalada Hargeysa waxa si weyn looga dareemay hadal hayn ku saabsan in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xukuumaddiisa ku samaynayo isku shaandhayn sal balaadhan. Xogaha sida baaxadda leh ugu faafay bulshada dhexdeeda iyo Baraha Bulshada ayaa sidoo kale lagu hadal hayay wasiirro cusub oo saaxadda soo galaya iyo kuwo xilka laga qaadayo.

Lama xaqiijin karto in Madaxweyne Biixi soo wado isku shaandhayn golihiisa wasiirrada ah laakiin, waxa muuqata in bulshadu si weyn u tabayso isbedel lagu sameeyo xukuumadda Madaxweyne Biixi iyada oo rajadu tahay in wasiirro miisaan leh lagu soo daro kuwaas oo dadku si weyn u hadal hayaan siyaasiyiin hore xilal wasiir uga soo qabtay xukuumaddii hore laakiin, lama oga in madaxweynuhu kuwaasi u diran doono shaqada Qaranka.

Wasiirrada madaxweyne Biixi ayaa tan iyo bilawgii wajahayay dhalliil ku saabsan waayo aragnimo la’aan dhanka siyaasadda ah iyo in aanay ahayn wasiirro madaxweynaha xujo ama dood la geli kara marka laga hadlayo arrimaha Qaranka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top