Connect with us

somalilandtoday.com

Carruur Darbi Jiift Ah Oo Hore Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Xukun Ugu Riday Oo Maanta Xorriyadoodii Dib U Helay

focus

Carruur Darbi Jiift Ah Oo Hore Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Xukun Ugu Riday Oo Maanta Xorriyadoodii Dib U Helay

(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Rafcaanka ee Magaaladda Hargaysa ayaa Saaka Xoriyadoodii U Soo Calisay Labaatan Dhalinyaro Darbi Jiif ah oo hore maxkamadda gobolka hargaysi ugu riday xukun dhan lix bilood oo dhaqan calin ah.


Xisbiga Waddani ayaa Dhalinyaradani Bishii hore u qaaday Rafcaan waxaana saaka qareenadii u doodayay ku guulaysteen in ay Xoriyadooda u soo celiyaan labaatanka dhalinyaradda ah oo hore wasaaradda shaqo galinta cabasho ay ula tageen ku mutaystay xabsi dhan lix bilood.


Garyaqaan mubaarig oo ka mid ahaa Qareenadda u doodayay ayaa hadhwanaagnews u xaqiijiyay in dhamaan ooda laga qaaday saakana ay maxkamadda rafcaanku ku dhawaaqday inaanay wax dambi ah layahn dhalinyaradaasi cabashadda ay la hortageen wasaaradda xabsiga loogu badalay, Halkan hoose ka DAAWO

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top