Connect with us

somalilandtoday.com

Wada-hadal Ay Shalay U Balansanaayeen Saddexda Xisbi Qaran Iyo Oo U Baaqday Madaxweyne Biixi Oo Aan Ka Soo Qayb-gelin

focus

Wada-hadal Ay Shalay U Balansanaayeen Saddexda Xisbi Qaran Iyo Oo U Baaqday Madaxweyne Biixi Oo Aan Ka Soo Qayb-gelin

(SLT-Hargeysa)-Waxa shalay baaqday wada hadal la filayay inuu u bilaabmo saddexda xisbi ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID.

Wada hadalkan oo la sheegay inuu dabada ka riixayay hoggaamiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa waxa la filayay in lagaga wada hadlo arrimaha ku xeeran doorashooyinka iyo guddiga doorashada oo caqabad ku ah inay doorashada baarlamaanku qabsoonto, ayaa waxa madaxtooyada isugu tagay ergo ka kala socota labada xisbi mucaarad, waxaanay filayeen inuu kulanka kala qayb galo Madaxweyne Biixi oo ah guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo Madaxweynaha qaranka.

Laakiin ergada labada xisbi mucaarad oo loo furay inay shirkooda ku qabsadaan hoolka shirka golaha wasiirada, ayaa waxa u tagay siyaasiyiinta kala ah guddoomiye-xigeenka labaad ee KULMIYE Axmed Cabdi-dheere, Siyaaasi Cabdicasiis Samaale, gudoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Cabdikariin Xinif iyo guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE Maxamuud Jaamac Warfaa, waxaana kulanka ka baaqday Madaxweyne Biixi.

Madaxda mucaaradka ayaa la sheegay inay dalbadeen inay muhiim tahay in Madaxweyne Biixi shirka kala qayb galo maadaama oo ay ku xidhanyihiin waxyaabo badan oo muhiim ah oo u baahan inuu go’aan ka gaadho si hawsha doorashada baarlamaanka loo guddo-galo. Hase yeeshee xubnaha matalayay xisbiga KULMIYE ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi ku mashquulsanyahay wefti Jarmal ah oo uu shalay la kulmay.

Waxaana ugu dambayn la isla qaatay in balan laga soo sameeyo Madaxweyne Biixi la isuguna yimaado kulan dambe. Kulankan ayaa la filayay in lagaga wada hadlo caqabado hortaagan in doorashada golaha wakiilada ay dalka ku qabsoonto waxaana u muhiimsan caqabadahaas mustaqbalka guddiga doorashooyinka oo uu xisbiga Waddani sheegay inuu kalsoonidii kala noqday.

Xisbiga UCID waxa shirka uga qayb galay guddoomiye Faysal Cali Waraabe, murashixii madaxweyne-xigeen ee UCID Axmed Cabdi Muuse (Abyan) , ku xigeenka xoghayaha guud Cabdinaasir Qodax, halka ergada xisbiga Waddani ay ka mid ahaayeen guddoomiye Cabdiqaadir Jirde, ku-xigeenka xoghayaha guud Jamaal Jaamac Xaamud, Cabdillaahi Axmed Maxamed (Daamur), xisbiga KULMIYE waxa iyaguna madasha joogay guddoomiye-xigeenka labaad ee KULMIYE Axmed Cabdi-dheere, Siyaaasi Cabdicasiis Samaale, gudoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Cabdikariin Xinif iyo guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE Maxamuud Jaamac Warfaa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top