Connect with us

somalilandtoday.com

Soomaaliya Iyo Kenya Oo Heshiis Ka Gaadhay Khilaafkoodii Heshiiyay Diblomaasiyadeed

focus

Soomaaliya Iyo Kenya Oo Heshiis Ka Gaadhay Khilaafkoodii Heshiiyay Diblomaasiyadeed

(SLT-Muqdisho)-Dawladda Soomaaliya ayaa baahisay in heshiis uu dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya oo dhawaan xidhiidhkoodii diblomaasiyeed uu xumaaday.

War qoraal ah oo ay baahisay Villa Soomaaliya ayaa lagu yidhi ” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya.

Ajandaha wada hadalladan oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xiriirta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka.

Wada hadalladan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dalalka gobolku ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gobolkana loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo iyo xasillooni.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed kaalinta uu ka qaatay wada hadalladan dib loogu yagleelayo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya “

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top