Connect with us

somalilandtoday.com

Itoobiya Oo Xustay Dagaalkii Soomaalida Ee 1977-kii

focus

Itoobiya Oo Xustay Dagaalkii Soomaalida Ee 1977-kii

(SLT-Addis Ababa) Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya waxaa lagu qabtay xaflad loogu dabaaldegayay guushii Itoobiya ay ka gaartay Soomaaliya dagaalkii labada dal dhexmaray sanadihii 1977 ilaa 78d
dii ee loo bixiyay Kaaramardha.

Dhallinyaro Reer Adis ababa ah ayaa isugu soo baxay Fagaaraha Taallada Dilachin ee Bartamaha Adis ababa,waxaana ay halkaas ku xuseen guushii Ciidankii Itoobiya ay Soomaaliya ka gaareen 5tii March sanadkii 1978ddii.

Dagaalkaas waxaa ka qeybgelay 300,000 oo Itoobiyaan ah iyo Tobanaan kun oo Askarta Dalka Cuba ah,kuwaas oo taageerayay Itoobiya, waxaana in badan oo ka mid ah Askarta Cuba ay naftooda ku waayeen dagaalkaas.

Soomaaliya ayaa qeybta hore ee dagaalkaas guul ka gaartay,waxaana ay gudaha u gashay 700KM.

Soomaaliya dhinaceeda waxaa dagaalka uga baxay Midowgii Soviet,waxaana taageerayay Mareykanka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top