Connect with us

somalilandtoday.com

Hoggaamiyeyaasha Dalalka, Soomaaliya Itoobiya Iyo Kenya Oo Maanta Ku Shiraya Nairobi

focus

Hoggaamiyeyaasha Dalalka, Soomaaliya Itoobiya Iyo Kenya Oo Maanta Ku Shiraya Nairobi

(SLT-Nairobi)-Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Nairobi kulan ku yeeshaan madaxweynayaasha dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, waxaana kulankaa goob joog ka ahaan doona raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Labada madaxweyne ayaa la filayaa in kulankooda ay iskula soo qaadaan khilaafka soo kala dhaxgalay ee la xiriira muran badda, kaddib markii dowladda Kenya ay sheegtay in ay xiriirkii Diblomaasiyadeed u jirtay Soomaaliya.
Uhuru Kenyatta ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo isla shalay magaalada Addis Ababa sidoo kale kula shiray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay wadajir ugu kicitimeen magaalada Nairobi.

Afhayeenka Madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdinur Maxamed Axmed, oo ka mid ah wefdiga la socda madaxweyne Farmaajo ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in kiiska badda lagu muransan yahay ee yaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aan wax gorgortan ah laga geli doonin.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top