Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Soomaaliya Oo Shir-Guddoominaysa Shirka Ururka Jaamacadda Carabta

focus

Dawladda Soomaaliya Oo Shir-Guddoominaysa Shirka Ururka Jaamacadda Carabta

(SLT-Qaahira)-Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Masar, ahna Ergayga Joogtada ee Soomaaliya ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador C/qani Maxamed Wacays ayaa Shir-guddoominayo Kulanka Ururka Jaamacadda Carabta ee Heerka Wakiilladda Joogtadda, kaasi oo shalay ka furmay Xarunta Ururkaasi oo ku taalla caasimadda dalka Masar ee Qaahira.

Kulankaasi oo socon doona ilaa maanta, waxay Soomaaliya xilka Shir-guddoonka kala wareegtay Sudan oo iyadu horey u ahayd Shir-guddoonka Shirarka Jaamacadda Carabta.

Shirka Wakiilladda Joogtada ee Ururka Jamaacadda Carabta uga socda Qaahira waxa uu u gogol-xaadh u yahay Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jamaacadda Carabta oo maalinta Arbacadda ee berrito ka furmi doona Qaahira.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top