Connect with us

somalilandtoday.com

Xul Iyo Xig-Mado Kooban Oo Ku Saabsan Bulshada: Qaybtii 3aad . W/Q: Abdirashiid Aw Muuse Aadan

Articles

Xul Iyo Xig-Mado Kooban Oo Ku Saabsan Bulshada: Qaybtii 3aad . W/Q: Abdirashiid Aw Muuse Aadan

Waddooyinka dhulka mara ma raacno inakoo aan ogayn meesha ay tagayaan, laakiin’se wadooyinka nolosha waxaynu raacnaa inakoo aan ogayn meesha ay Tagayaan ama Ku dhamaanayaan
Hawli inay kaa qabyowdo waa wax iska dabiici ah oo ceeb maaha, taladeeduse inay kaa qabyowdaa marka hore ayaaceeba.
Kalsoonida iyo isku halaynta aad naftaada kaqabto ,waxaa xaqiiqda ugadhaw ta ay dadka kale kaa qabaan.
Qof aan aqoon lahayn oo aamusay, wuxuu kafiicanyay mid aqoonleh oo wax khaladan kuhadlaya.
Hawadu birta way jar-jari kartaa, Birtu’se Hawada ma jar-jari karto.

Uhur hawsha aad qabanayso wakhtiga ,awooda iyo dhaqaalaha hadii ay mihiimtahay ,ugu yaraan waxaad xaqiijin kartaa sida loo qabanyo.
Hadii Muruq ahaan lagaaga Ad-kaado hal mar ayaa lagaa adkaaday, hadii se Maskax ahaan lagaaga adkaado gabi ahaan waa lagaa wada ad-kaaday.
Maskaxda Binu-aadamku waaturjumaanka ugu wayn ee wada hadashiiya Dareenada Jidhkeena ee kala duwan.
Geesinimada aad Cid kula dagaalanto ,waxaa ka qiimabadan Geesnimada aad cidkula heshiiso.
Go’aanka aad cid kaga aargoosanayso waxaad siisaa wakhti badan laakiin go’aanka aad dadka ku cafinayso waa inaad siisaa wakhti yar .
Caruurta ka dhagayso wax walba oo ay kuu sheegaan sax iyo qaladba ,laakiinse adigu wax walba ha usheegin ee wixii ay qaadan karaan usheeg. lasoco inshl
rashaad055@hotmail.com (063-4475540).

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top