Connect with us

somalilandtoday.com

Wakiilka Somaliland Ee Cimaraadka Oo Arrintii “Berbera Corridor” Jar Ka Tuuray.

Articles

Wakiilka Somaliland Ee Cimaraadka Oo Arrintii “Berbera Corridor” Jar Ka Tuuray.

Wakiilka Somaliland u jooga dalka Cimaraadka, Xasan Yasiin Hirad, oo aad moodid in uu xafiiska uu hayaa ka awood badnaaday baa yidhi ” Jidka Berbera ilaa Wajaale ee loo yaqaano “Berbera Corridor” ma noqonoyo mid cusub ee waa ka jira oo la balaadhiyey, oo dib u habeyn lagu sameeyay”.

Wakiil, si kastaba ha noqotee, sow horumar uun ma aha? Hadaba, soo baro sida diblomaasigu hadalka u sheego. Labadii Madaxweyne, Wasiirkii Gaadiidka iyo Asxaabtii ka socotay Cimaraadka ayaad beenaalayaal ku tilmaantay.

Tamartaadu ma waxay noqotay mar aad keentid niman wax ugaadhsanaya, iyo mar aad madaxdii dalka hadalkoodii

jar ka tuurtid? Horta yaa wakiil kaa dhigay? Maxaad soo baratay, oo xaggee hore baad diblomaasi uga soo shaqeysay? Ma aqoon iyo xirfadbaad ku joogtaa a meesha, mise ehelnimmo?

Saxiib, dalka wixii horumar u ah laguma istaago, ee kor baa loo qaadaa. Jidka haddii la balaadhiyo, oo dib u habeyn lagu sameeyo, sow Jid cusub ma aha? Ma kii horebaa mise waa mid cusub? Toddoba biiriij oo cusub baa la dhisayaa, waax cusub oo ilaa Hargeysa gaadhasa baa lagu darayaa, dhaqaalaha iyo ganacsiga seddexda dhinac buu kordhinayaa. Shaqooyin cusub buu abuurayaa. Intaas oo dhan maxaa kuu diiday inaad tidhaahdid?

Diblomaasigu waan in uu had iyo jeer qadyadda waddankiisa kor u qaado, kana shaqeeyo horumarka dalka iyo dadka. Waa in uu isticmaalo hadal miisan leh, qiimo leh, kooban, oo aan si kale duwan loo turjimi karin. Wax kasta ku hadal ma aha.

Allaa Mahad Leh

Axmed Kheyre

ruraledcomm44@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top