Connect with us

somalilandtoday.com

Kufsiga Loo Geysto Carruurta Iyo Aaladda Ugu Weyn Ee Fudaydisa

focus

Kufsiga Loo Geysto Carruurta Iyo Aaladda Ugu Weyn Ee Fudaydisa

(SLT-Lindon)-Dadka doonaya iney kufsiga carruurta sameeyaan ayaa waxay intooda badan isticmaalaan Instagram si ka duwan baraha bulshada kale ee lagu xidhiidho.

Booliska England iyo Wales ayaa waxay uruuriyeen 1,944 wadahadal oo kufsiga/galmada la xidhiidho oo lagu sameeyey Bogga Instagramka lix bilood gudahood sanadki 2018-kii.

Instagram ayaa baahiyey 1,317 ka mid ah kiisaskaasi tasoo u dhiganta 32%, halka Facebook uu qaatay 23%, Snapchatna 14%.

Instagram iyo Facebook waxay sheegeen ‘iney si adag ula dagaallamayaan’ kufsiga carruurta farriimaha fududeeya, halka Snapchat-na uu sheegay warbixintaasi iney tahay mid aan la aqbali karin”.

Mudda 18 bilood ah waxaa baraha bulshada lagu baahiyey in ka badan 5,000 oo farriimood sida ay caddeyneyso hay’adda warbixintan soo saartay ee NSPCC oo soo xigatay booliska dalka Britain.

Waxayna hay’addu sheegtay tiradaasi la shaaciyey ‘iney ka tarjumeyn dhibaatadu heerka ay gaarsiisan tahay’, maadaamaa ay dhici karaan fal dambiyeedyo kufsi oo la qariyey ama xogtoodaba aan la helin balse dhacay.

Warbixinta oo u sii kala saartay da’da ugu badan ee dhibaatadan lagula kaco 10 ka mid ah oo daraasadda laga qayb geliyey ay da’doodu u dhaxeyso 12 ilaa 15 jir.

Hay’adduna waxay ku baaqday in la soo saaro sharci baraha bulshada ku qasbayo iney qaadaan tillaabbooyin dheeraad ah oo ay ku badbaadinayaan carruurta xad gudubka lagula kaco.

‘Farriimaha inta badan la isdhaafsado ee ugu degdegga badan waa kuwa galmada ku xidhiidhka la leh’
Mid ka mid ah Kiisaska ay hay’addu tusaaale ahaan u soo qaadatay waxaa ka mid ah gabar 13 jir ah oo uu kufsaday wiil 24 jir ah.

Emily- oo aan ahayn magaca saxda ee gabadha la kufsaday oo la qariyey ninka kufsaday waxaa la kulmiyey saaxibaddeed. Weyna isbarteen wuxuuna u sheegay inuu 16 jir yahay, haddana wuxuu u sheegay inuu yahay 18 jir, isla markaana inuu yahay 13 jir wuxuuna ku soo darsaday saaxibbadiisa Facebook iyo Snapchat uu kula xiriiro.

Emily waxay sheegtay “Si degdeg ah iney isku barteen isuna dhex galeen waxayna isdhaafsadeen farriimoo qoraal ah oo aad u badan oo qofba qofka kale ku soo jiidanayo, kaddibna ay isdhaafsadeen sawirro iyo muuqaallo ka hor inta aan ku heshiinin inuu iskuulka ka soo qaado.”

“Wuxuuna i geeyey meel aan shanqar badan lahayn oo duur ah kaddibna wuu i kufsaday oo waa uu ii galmooday, wuxuuna ii soo kaxeeyey dhanka gurigeyga inta aan jidka ku soo jirnayna xataa wuxuu ii diiday inuu ila hadlo wuxuuna igu dajiyey samiifalaha gawaarida oo wadda dhexdeed ah.”

“Aniga dhiig badan baa iga socday waanna ooynayey, waana marki iigu horreysay oo aan nin la kulmo.”

Emily hooyadeed waxay sheegtay: “Ka waalid ahaan iney ku guul darreysteen iney gabadhooda ka war hayaan, waan ognahay dhibaatooyinka ay leeyihiin xiriirrada baraha bulshada laga sameeyo ee toos looga wada xiriiro, hase yeeshee maanan ku guuleysan inaan Emily ka badbaadinno dhibka soo gaaray”.

Madaxa hay’adda NSPCC Peter Wanless wuxuu sheegay iney baraha bulshada ee 10 sana jirsaday iney diideen iney sharciga u hoggaansamaan.

Afhayeenka u hadlay wakaaladda faldambiyeedyada qaranka “Waa laga maarmaan in la dajyo nidaam baraha bulshada ku qasbayo iney ka hortagaan isla-markaana hay’adaha sharciga ay ku wargeliyaan falalka kufsiga ee baraha loo adeegsado gaar ahanna kuwooda tooska looga wada xiriiro”.

Afhayeen u hadlay Facebook iyo Instagram wuxuu isna sheegay, ka shaqeynta badbaadinta da’yarta iney ahmiyadda ugu horreysa siinayaan.

Afhayeenka Snapchat wuxuu isna sheegay in isticmaalka baraha bulshada xumaan loo adeegsado isla-markaana ay waxyeelleeyaan da’yarta “aan marnaba la aqbali kareyn”.

Sanadki hore wasaaradda arrimaha gudaha Britain waxay ku yaboohday £250,000 oo qaaraan ah oo xal looga raadinayo xadgudubyada baraha bulshada looga geysto dhallinta da’yarta ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top