Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Caan Ah Oo Loogu Baaqay In Uu Is Casilo

focus

Madaxweyne Caan Ah Oo Loogu Baaqay In Uu Is Casilo

(SLT-Khartoum)-Hoggaamiyaha Xisbiga ugu weyn Mucaaradka ee dalka Suudaan, Saadaq Al-mahdi ayaa ugu baaqay Madaxweyne Al-bashiir inuu xilka ka dego, iyo inuu Mucaaradka la soofadhiisto, si heshiis looga gaadho Faahfaahinta Xilliga Kal-guurka ee lagu soo gebagebeynayo Xiisadaha ka taagan Suudaan.

Saadaq Al-mahdi waxa kale oo uu ku baaqay in la qaado Xukunka Degdegga, Alana sii daayo dhammaan Siyaasiyiinta xidhan.

Baaqan ayaa yimid, kaadib toddobaadyo ay Dibadbaxyo lagaga soo horjeedo Madaxweyne Albashiir ka socdaan dalkaasi, iyadoo uu Madaxweynuhu Xukun Degdeg ah ku soo rogay dalkaasi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top