Connect with us

somalilandtoday.com

“Beryahanba Dawladda Kenya Waxa Noo Socda Wada-hadalo…” Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

focus

“Beryahanba Dawladda Kenya Waxa Noo Socda Wada-hadalo…” Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay in Somaliland iyo Kenya ay u socdaan wada hadalo ku saabsan xidhiidhka labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay mashruuca la dhagax dhigay, waxaanu ugu horeyn uu hadalkiisi ku bilaabay “Mashruucani waa mashruuci aynu ka rajo qabnay inuu hirgalo, oo uu meel maro, alxamadulilahaa waa taas la dhagax dhigay, waxaanu rajaynaynaa in sidii loogu tagalay uu u dhammaado, waxaanu rajaynaynaa inuu wax badan ka bedelo dhaqaalaha iyo nolosha dadkaba”.

Isagoo ka hadlaya wada hadalo u socda Somaliland iyo Kenya, wuxuu Wasiirku yidhi “Baryahanba Dawladda Kenya wada hadalo ayaa noo socda, in halkan Xafiis ka furtaan, in xidhiidhkayagu sii kordho, ayaanu rajaynaynaa, laakiin wax kama dambaysa ah oo la gaadhay oo aan hadda ku dhawaaqi karayaa ma jiraan, Kenya oo qudha maaha, Xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamku uu kordhayaa, aadna uu u kobcayaa, Wadamo badan xidhiidh fiican baa noo socda”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top