(SLT-Preston)-Stephen Mellor wuxuu horay xabsi ugu galay dil uu bishii Febraayo ee sannadkii 1997-kii u geystay nin ay iska soo horjeedeen oo daroogada ka ganacsan jiray.
Hadda oo uu xabsiga kasoo baxay wuxuu doonayaa in uu sameeyo xarun dhalinyarada looga wacyi galiyo khaladaadkii uu sameyn jiray isla markaana isaga ku hogaamiyay in uu dil geysto ka dibna xabsi galo.
Waxaan bartay in aan halgami karo dadkuna waa ay i xushmeeyn jireen aniguna waa la dagaalami jiray
Sideen u sharixi karaa?
13 Jirkeyga ilaa 17 sano jirkeygii waxaan tagi jiray suuqa waxaana halkaas ku kulmi jirnay caruurta kale si aan u sameyno qorshe aan lacag ku abuuri karno.
Ma jirin waddo ama jiho midna, waxey aheed wareer, maalinba malainta ka dambeeysa xaalku wuu sii adkaanayay.
Ninkaan iyo kooxdiisa ayaa dadka magaalada waxaa ay ka codsan jireen in hadii magaalooyinkooda ay yimaadaan burcad kale ay la dagaalamaan.
Stephen Mellor marka uu dadka la dagaalo waxaa uu dadka ka qaniini jiray dhagaha, sanka waxaana dagaalkaasi uu sababi jiray in xabsiga loo taxaabo.
“Markaan yaraa Waxaan la dagaalami jiray rag badan waxaana dadku maqli jireen magaceyga, qof walbna wuu I tijaabin jiray”, ayuu yidhi.
Mr Mellor hada wuxuu ka shalaynaya anolashii u soo maray wuxuuna sheegay inuu doonayo inuu hagaajiyo nolasha dadka dhalinyarada ah, isagoo doonaya ineysan qaadin jidkii uu horay isaga u qaaday.
Sidoo kale waxa uu rabaa in uu dadka, gaar ahaan dhalinyarada uga sheekeeyo nolashii mugdiga aheyd ee uu soo maray si aysan ugu qaldamin da’yarta maanta joogta.