Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka Oo War Ka Soo Saaray Duqeymihii Ugu Danbeeyay Ee Uu Ka Fuliyeen Soomaaliya

News

Mareykanka Oo War Ka Soo Saaray Duqeymihii Ugu Danbeeyay Ee Uu Ka Fuliyeen Soomaaliya

(SLT-Muqdisho)-War qoraal ah oo lagu baahiyay bogga Twitter –ka ee taliska Mareykanka Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn diyaaradaha Mareykanku ka fuliyeen maalin ka hor deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan lagu dilay 26 dagaalyahan oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Duqeyntan ugu danbeysay oo diyaaradaha Mareykanku ka fuliyaan gobolka Hiiraan ayaa dhacday 28kii bishii Feberaayo, waxaana ay qeyb ka noqoneysaa duqeymo horey sidan oo kale isla gobolka lagu bartilmaameedsaday xoogagga Al-shabaab.

Mareykanka ayaa sheegay in ay xoojinayaan weerarrada ka dhanka ah Al-shabaab iyaga oo gacan militari siinaya ciidamada dowladda Soomaaliya.

Marka laga soo tago tiradan danbe ee 26ka ah, taliska Mareykanka ayaa horey u sheegay in 55 dagaalyahan oo Al-shabaab ah ku dileen labo duqeyn oo is xigtay oo laga fuliyay gobolka Hiiraan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in News

To Top