(SLT-Kampala)-Iyadoo ay Xiisad Diplomaasiyadeed iyo Muranka Xuduud-baddeedka ee u dhexeeya Labada dal ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya kulankoodii ugu horreeyey bishan ku yeeshaan Caasimadda dalka Uganda ee Kampala.
Warbaahinta Maalinlaha ee PML Daily ee Uganda ayaa qortay in Labada Madaxweyne la filayo inay isku arkaan Munaasbadda Furitaanka Shirweynaha Afrika ee Haatan (Africa Now Conference) oo bishan 12-da ilaa 13-da ka dhici doona caasimadda dalka Uganda ee Kampala.
Sidoo kale, Liiska Madaxda lagu casuumay Shirweynahaasi waxaa ka mid ah Madaxweynayaasha dalalka Masar, Rwanda, Koonfuer Afrika iyo Kenya, inkasta oo aanay weli xaqiijinin inay ka soo qeyb geli doonaan.
Shirweynaha loogu magac daray Afrika ee Haatan (Africa Now Conference) oo la sheegay inay isku duween Xarunta Afrika ee Idtaraatijiyadda Hogagaminta Afrika oo xarunteeda dhexe ku taallo caasimadda dalka Uganda ee Kampala.