Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Sudan Oo Khadka Taleefana Kula Soo Xidhiidhay Madaxweyne Farmaajo

focus

Madaxweynaha Sudan Oo Khadka Taleefana Kula Soo Xidhiidhay Madaxweyne Farmaajo

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Albashiir oo khadka taleefana kula soo xidhiidhay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay muwaadiniinta dalka Soomaaliya ee ku dhintay weerarkii ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Albashiir ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Suudaan ay ku garab taagan yihiin walaalahood Soomaaliya ,shacab iyo dowladba, falalka noocaan oo kale ah aysan hor istaagi karin dadaalka shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda.

Madaxweyne Albashiir ayaa caafimaad deg deg ah Alle uga baryey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhaawacyadu ay ka soo gaareen weerarkan, sidoo kalena intii shahiidday uu hooygooda ka yeello jannatul fardowsa.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Cumar Xasan Albashiiri xidhiidhka uu la soo sameeyey si uu ula wadaago dareenkiisa walaaltinimo ee ku aaddan weerarkan arxan darrada ah ee lagu soo qaaday shacabka Soomaaliyeed.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top