Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiirka Maaliyada Norway Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Dumarka Soomaalida

advertise

Wasiirka Maaliyada Norway Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Dumarka Soomaalida


((SLT-Oslo) Waxa saacadihii ugu danbeyse qabsaday warbaahinta iyo baraha bulshada ee dalka Norway hadal ee jeedisay wasiirada maaliyada ee dalkaas oo si toos loogu weeraraaye haweenka soomaaliyeed waxaana ka jawaabay arintaas masuuliyiin kala duwan.

Wasiirada maaliyada dalkan Norway, ahna gudoomiyaha xisbiga Frp, Siv Jensen ayaa sheegtay in kororka tirada soo galootiga Norway ay sabab u tahay korarka tirada caruurta kunool noloshada saboolnimada ah.

Siv Jensen ayaa sheegtay in sababta ugu weyn ee keenta saboolnimada ay tahay caruur badan oo ku korayo guryo waalid aan iskaafin karin(shaqeysan karin). Ayna u badanyihiin caruurta ay dhaleen waalidka soo galootiga ah.

Jensen ayaa sii raacisay in 85% korarka tirada caruurta ah ee saboolnimada kunool ay yihiin ay yihiin caruur soo galootiga ah. Waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Siv Jensen ayaa tusaale ahaan usoo qaadatay dumarka soomaalida ah oo ay sheegtay inay ka shaqeeyaan 10%. Iyada oo soo xiganeyso tirokoob ay sameysay SSB ayay sheegtay in taas ay tusaale u tahay sida loogu guul dareystay isdhaxgalinta soo galootiga ee bulshada inteeda kale.

Mucaaradka: Sawir qaldan ayay bixineysaa.

Xisbiyada mucaaradka ayaa wasiirasda maaliyada ku eedeeyay in sawir aan sax aheyn ka bixineyso kobaca tirada caruurta ku koreyso saboolnimada. Isaga oo raaciyay in sabab ugu weyn ee ka danbeysa kororka tirada caruurta kunool saboolnimada ay tahay, inuu sii kordhay farqiga u dhaxeeyo qeybaha bulshada.

Isaga oo raaciyay in taas ay tahay mid toos uga dhalatay siyaasada xisbiyada midigta ee wadanka xukumayay shantii sano ee ugu danbeysay.

SSB: Siv Jensen warka ay sheegtay sax ma ahan.

Rolf Aaberge oo ah cilmibaare katirsan wakaalada SSB ayaa sheegay in qaabka ay Siv Jensen u adeegsatay tirada lasoo bandhigay aysan aheyn mid sax ah. Isaga oo sheegay inuu kordhay farqiga u dhaxeeyo dadka hantida heysta iyo kuwa saboolka ah ee guud ahaan Norway.

Jawaabta oo bixiyay Jonas Gahr oo ah gudoomiyaha xisbiga AP

Wasiirada maaliyada dalkan Norway ayaa shaley sheegtay in kobaca tirada soo galootiga ay tahay sababta ka danbeysa kobaca tirada caruurta kunool saboolnimada. Iyada oo tusaale usoo qaadatay in 10% dumarka soomaalida ah oo qura ay ka shaqeeyaan shaqo toos ah.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ap, Jonas Gahr Større ayaa sheegay in wasiirada maaliyadu ay si public ah u ceebeyneyso qowmiyadu gaar ah, wuxuuna raaciyay in wasiiradu ay iska indho tireyso dhibaatooyinka la xiriira kala sareynta qeybaha bulshada.

Jonas Gahr ayaa sheegay in tusaale usoo qaadashada haweenka soomaalida ah iyo Siiriyiinku aysan aheyn mid haboon. Gudoomiyaha Ap ayaa sheegay:

Dumarka soomaalida ah ee Norway kunool waa muwaadiniin naga mid ah anaga oo dhan. Waxaan ula dhaqmi lahaa anigu qaab xurmad leh.

Dhibaatooyinkoodana waa inaan xil iska saarnaa, oo aan si public ah ceebeyn.

Gudoomiyaha Ap ayaa sii raaciyay in kobaha kala sareynta bulshadu ay tahay mida keeneyso korarka tirada caruurta saboolnimada kunool. Sidaas darteedna ay tahay in dadka lacagta leh ay bixiyaan canshuur ah dheeri, laakiin dowlada ay Siv Jensen hogaamiso ay u sameysay canshuur dhaaf.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top