Connect with us

somalilandtoday.com

“Madaxweynaha Xilka Ugu Sareeya Ee Qaranka Looguma Dooran Inuu Gobolada Dalka Kala Qaybiyo Oo Hadba Gobolka Uu Joogo Uu Amaano, Gobolada Dalke-na Uu Wax Ka Sheego…” Xildhibaan Xuseen Cige

focus

“Madaxweynaha Xilka Ugu Sareeya Ee Qaranka Looguma Dooran Inuu Gobolada Dalka Kala Qaybiyo Oo Hadba Gobolka Uu Joogo Uu Amaano, Gobolada Dalke-na Uu Wax Ka Sheego…” Xildhibaan Xuseen Cige

(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo ka mid ah xildhibaanada Golaha wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka Ee Waddani, ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Xukuumadda Muuse Biixi, waxaanu si gaar ah u dhaliilay nidaamka hogaamineed ee Madaxweynaha.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige,oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Xukuumaddii hore ee uu Madaxweynaha ka ahaa Axmed Siilaanyo, weynu ogeyn inay iyadu sabab u ahayd dhibaatooyinka dalka ka taagan, sida sicir bararka, maceeshada qaaliga ah, boobka hantida umadda, sumcadii Somaliland Caalamku ku lahayd oo hoos u dhac ku yimid iyo maamulkii Hawada oo lala wareegay, sidaas oo ay tahay Xukuumaddana ilaa hadda waxba kamay qaban, oo dhabihii ay Xukuumaddii hore martay ayey iyana martay”.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige mar uu ka hadlaayey Madaxweynaha ayaa yidhi “Madaxweyne sharaftaadu waxay ku jirtay inaaad si daacadnimo leh umadda ugu adeegto, Madaxweyne waxaa laga filaayey umaddan Doorashadu kala fogeeysay inaad isku soo dhaweeyso, oo uu midnimadooda iyo isku duubnidooda ka taliyo, Madaxweynaha waxaa laga filaayey inuu si siman oo cadaaladi ku jirto ugu adeego dalka iyo dadkaba, laakiin Madaxweynaha hogaaminta dalka iyo xilka ugu sareeya ee qaranka looguma dooran inuu Gobolada dalka kala qaybiyo, Madaxweynaha xilkiisa ugu sareeya looguma dooran inuu hadba Gobolka uu joogo uu amaano, Gobolada dalkena uu wax ka sheego,ee Madaxweyne hogaaminta umaddu maaha in dadkii oo dhibaataysan, iyo abaaro jira inaad xaafadaada aad Madaxtooyo maaliyiin doolar ku baxayaan ka dhisato, ee Madaxweyne hogaamintaadii waxay noqotay in dadkii oo la dhibaatoonaya aafooyinka sicir-bararka iyo abaaraha inaad haddana kala qaybiso, xaafadana aad Madaxtooyo ka dhisato, ee Madaxweyne waxaa kula gudboon in maaliyiinka doolar ee aad ku dhisanayso Madaxtooyada inaad umadda dhibaataysan aad ku caawiso,waxaa kula gudboon inay umaddu ku sinaanato, oo aanad kala jecelaysan, ee Madaxweyne dib iskugu noqo, khaladaadkaagana dib u sax, oo umadda daacadnimo, sinaan iyo cadalaad ugu adeeg, odhaah si yar oo fudud afkaaga uga soo baxdayna ha ku kala qaybin umadda, Doorashadii Madaxtooyada inkasta oo dhaliilo badani ka soo baxeen, haddana waa laga soo gudbay, hadda lama joogo wakhtigii ololaha, ee waxaa la jooga wakhtigii umadda wax loo qaban lahaa”.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top