(SLT-Nairobi)-Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Moniko Juma ayaa sheegtay inay Golaha Ammaanka ee QM iyo kan Midowga Afrika u gudbiyeen Muranka dhinaca Xuduud-badeedka ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.
Waxay kaloo sheegtay inay Danjirayaasha dalalka xubnaha ka ah Golaha
Ammaanka ee QM iyo Gobalka Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika u gudbiyeen
khariidada xuduud-baddeedka ee ay labada waddan ku murunsan yihiin.
“Waxaan warbixin kooban ka siinay xaalladda u dhexeysa Kenya iyo Somalia,
si ay faragelin ugu soo sameeyeaan xiisadda ka dhex taagan labada Waddan” ayey
tidhi Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Moniko Juma.
Waxay kaloo sheegtay inay Kulanka ay Danjirayaasha u qabatay jimcihi la soo dhaafay ay ka mid
yihiin Madaxa Ergadda Britain u joogta Kenya, Nik Hayley iyo Danjiraha
Faransiiska u joogta Kenya, Aline Kuster Menager.
Dhinaca kale, Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya,
Moniko Juma waxay shalay sheegtay inay Wasaaradeeda furtay Wada-xaajood si loo
helo xal-saaxiibtinimo oo ku aadan muranka Xuduud-baddeedka ee dhawaan khilaaf
Diplomaasiyadeed ka dhex dhaliyey Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya.
Waxayna carrabka ku dhufatay in murankaasi lagu xalin karo Wada-xaajood, waxayna rajo ka bixisay
inay xal u heli doonaan murankaasi u
dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya