Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiirro Ka Hadlay Dab Ka Kacay Xafiiska Isgaadhsiinta Ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

focus

Wasiirro Ka Hadlay Dab Ka Kacay Xafiiska Isgaadhsiinta Ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa ka hadlay dab qabsaday galabta Xafiiska Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Waxaanu tilmaamay in dabkaasi la xakameeyey.

“Galabta waxa dab ka dilaacay Xafiiska Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Warfaafinta,dabkaasi wax dhibaato ah oo nafeed kama dhalan, waxa markiiba u soo gurmaday Ciidanka Dabdamiska oo bakhtiiyey,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta oo caawa ay shir jaraa’id wada jir u qabteen Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Wasiir Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo waxa uu tilmaamay in aanay waxba jirin war sheegayey in Idaacadda Radio Hargeysa iyo Wasaaradda Warfaafintu gubatay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in dabka ka kacay Xafiiska Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Warfaafinta loo xil-saaray baadhitaankeeda Ciidanka Booliska iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top