focus

Mareykanka Oo Sheegay Inay Bilaabeen Inay Kumanaan Askar Kala Baxaan Qaaradda Afrika

Published on

(SLT-Washington)-Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay inay bilaabeen inay Ciiddankooda kala baxaam Qaaradda Afrika, iyadoo muhiimad la siinayo qorshaha Maamulka Madaxweyne Donald Trump.

Taliyaha AFRICOM, Jeneral Thomas Waldhauser ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay saddexda sanno ee soo socota la bixi doonaan ugu yaraan 10% ka mid ah lixda kun ee Askarta Mraaykanak ka joogta dalalka ka hooseeya dhulka Saxaraha ee Qaaradda Afrika.

Jeneral Thomas Waldhauser ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan dhinaca Amniga oo lagu qabtay magaalladda Munikh ee dalka Jarmalka, wuxuuna xusay in Ciiddanka Maraykanka loo daad-gureyn doono Hawlgalladda muhiimka ee Maraykanka.

Go’aanka lagu dhimayo tirada Ciiddankaasi ayaa la sheegay inay ka dambayso Dareenka Maraykanka ugu diyaar garoobayaan isku-dhac laga yaabo inay kala kulmaan Raashiya ama Shiinaha.

Copyright © 2020 Somaliland Today.