Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Geerida Wiil Yar Oo Ciyaalo Iskuul Ahaa Oo Shil Gaadhi Galay, Amr-na Ku Bixiyay In Tallaabo Laga Qaado Wadayaasha Baabuurta

focus

Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Geerida Wiil Yar Oo Ciyaalo Iskuul Ahaa Oo Shil Gaadhi Galay, Amr-na Ku Bixiyay In Tallaabo Laga Qaado Wadayaasha Baabuurta

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waalidiinta, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed farxaan Maxamed oo ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu ahayd 26/02/2019, Magaalada Hargeysa.

Wiilka geeriyooday oo ka soo rawaxay mid ka mida dugsiyada gaarka loo leeyahay ayey geeridiisa sababtay baskii siday ardayda oo shil ku galay gudaha magaalada Hargeysa.

Waxaanu madaxweynuhu farayaa wasaaradda waxbarashada, maamulayaasha dugsiyada, ciidanka nabadgelyada waddooyinka, wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka iyo cid kasta oo ku shaqo leh sharciga waddo marista, qarankana uga masuulka ah inay tallaabo ka qaadaan wadayaasha baabuurta gaar ahaan basaska qaada ardayda dugsiyada oo ay ka muuqato sida soo noq-noqota masuuliyad daro balaadhani, inay mariyaan sharciga wado marista, si looga hortago shilalkaasi oo kale.

Madaxweynuhu waxa uu qoyska qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ardaygaasi uga baryayaa inuu ka siiyo samir iyo iimaan saadiqa.

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top