Connect with us

somalilandtoday.com

Xul iyo Xigmado Kooban oo Ku saabsan Bulshada. W/Q:Abdirashiid Awmuse Aadan

Articles

Xul iyo Xigmado Kooban oo Ku saabsan Bulshada. W/Q:Abdirashiid Awmuse Aadan

Hantigaaga iyo maalkaaga ha noqo mid isagu leh, Balse yay Noqon mid ay iygul eeyihiin.


Illintu (ilmadu) in dhaha si iskumida ayay ugatimaadaa Qalbigase siyaabo kaladuwan ayay ugatimaadaa.!
Hantidaada Aqoon iyo cilmi kuma kasban kartid balse, Aqoontaada iyo cilmigaaga Hanti waad kukasban kartaa.
Ku dadaal in waxaad sheegayso oo dhan aad runtaka shgeegto ,balse waxaad maqasho

oodhan run ha u wada qaadan.

Xil gudashada wanaagsani waxay yaraysaa Xil doonashada badan.
Waxaad sheegayso in la qaato waxaa ka horaysa in lafahmo laguna qanco.
Ucudurdaar qofka qaldama Balse qaladkaa uugalay u cadee qaladnimadiisa.
Kursi xileedka Qofna ma hubo inuu kufadhiisan doono, Balse wuxuu Hubaa inuu katagi doono wakhti ay ahaataba.
Saadaashu waa wax ugaara Qalbiga, oo aanay indhihu la qabin.
Been markhaatigeeda koowaad waa qofka sheegay.
Mabda’a iyo siyaasadda aad teegaarsantahay ,hadaanad fahamsanayn, si xorahna aanad uguqancin waxaadl uminaysaa xoriyadaadii shaqsiyadeed.
Waajibaadka kusaaran oodhan waa inaad mid kasta iyo wakhtigiisa gaar u qabataa ama ugudataa.
Cilmikasta oo maadi ah oo dadku gaadhay jahlibaa dhalay isagaanuu udhintaa. la so Inshalah
.rashaad0055@hotmail.com (063-4475540)

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top