Connect with us

somalilandtoday.com

Maxamud Xashi Ma Calfan Doonaa Kursiga Golaha Dhexe iyo Fulinta Ee Daba Ka Dhiibka ah

Articles

Maxamud Xashi Ma Calfan Doonaa Kursiga Golaha Dhexe iyo Fulinta Ee Daba Ka Dhiibka ah

Maxamud Xashi Ma Calfan Doonaa Kursiga Golaha Dhexe iyo Fulinta Ee Daba Ka Dhiibka ah
…………………………….
Waxa todobadkan magaala madaxda gobolka Awdal ee Borama ku qabsomay shirkii golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye kaas oo ay kasoo baxeen waxyaabo waxtar iyo waxyeelo ku ah xisbiga iyo bulshada qaybo kamida oo lagu xadgudbay xuquuqdoodi xisbinimo.
Hadaba mar kasta oo xisbigu qabsanayo shirarkiisa kala duwan waxa jirta
hab loo qaybiyo Ergada shirwaynaha, xubnaha Golaha dhexe iyo fulinta kuwaas oo ku yimaada
nidaam degaaneed beelaysan oo cid kasta oo xisbiga ka tirsani ka hesho metelaadooda rasmiga ah.
Si sidaa lamida marka la buxinayo xubno dhintay kuwo ka tagay iyo xubnaha laga saaro xisbigaba waxa soo buuxiya kaadiriinta la deegaanka ah ee kolkii hore aan jaaniska u helin balse waxa iminka ka dhacay waa wax ceeb iyo sharaf dhac ku ah deagaanada qaar cidii ku talaabsatayna haddaanay ka noqon way ka naasnaasin doontaa.
Maaha markii u horaysay ee Maxamud Xashi si badheedha u maroorsado wax dad iyo deegaan kale leeyahay waana waxa ay soomaalidu hore uga Maahmaahday ee tidhi”inan Garcatay kufsi hore bay ku nabadgashay. Haddaba waxa aan u sheegayaa Hoggaanka kulmiye ee la majara-habaabiyay inaanay marna u cuntamayn in La isku Maxlalo dad laba gobol kasoo kala jeeda oo la yidhaahdo hayb baad wadagtaan. Maxamuud Xaashina waxan leeyahay Suurtagal ma noqon doonto inaad si badheedha wax bulsho kaa madax banaani leedahay aad u qaadato waxayna gaadhi doontaa in sifa kasta oo lagaaga soo celin karo kursigaa lagaaga soo qaado halka ay doonto ha gaadhee, dadka xuquuqdoda la duudsiyayna waxan leeyahay “”Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maal “” waa markii imisaad ee Maxamud Xashi sifo aan xalaal ahayn taladiina ku maroorsaday.
Gabagabadii waxaan leeyahay si xeegona xeego u noqoto ilkana u nabad galaan in Maxamuud Xaashi si degdega u baneeyo booskaas hadii la waayo oo uu kusii adkaysto ballan waxan ugu qaadayaa inuu ka qoomamoon doono.
W/Q:Rooble jaamac xirsi

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top