(SLT-Boorama)-Haldoorka Madaxda Dhaqanka ee Gobolka Awdal ayaa shalay shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo Boorama ka furmay ku soo bandhigay sida ay bulshadoodu ugu xusul duuban tahay hanashada caasimadda labaad ee dalka in ay noqoto Boorama iyo in loo kordhiyo saamigooda Golaha Wakiillada.Madaxweyne Biixi oo hadalka uga dambeeyay ayaa dood adag oo garnaqsi ah la galay reer Awdal.
Suldaan Xasan Baade oo ibo fur u ahaa doodda sida saraaxadda leh madaxda dhaqanka iyo madaxweynuhu isu waydaarsadeen ayaa sheegay in caasimadda labaad ay hadda kula tartamayso oo kaliya Burco laakiin, madaxda dhaqanka ee hadalka uga dambeeyay ayaa ku adkaystay in Boorama tahay tan kaliya ee caasimad xigeenka ah.
‘Weftiga waanu soo dhawaynayna, gobolka Awdal ayaanu ku soo dhaweynayna, caasimadda Somaliland ee 3-aad ayaanu ku soo dhaweynayna malaha imika caasimadda labaad ayay ba u hirdamaysaye, Burco ayaa nala yar tartamaysa marka runta la sheego laakiin, in aanu mar noqono caasimadda 2-aad ee JSL ayaa laga yaaba,” Sidaas ayuu yidhi Suldaan Baade.
Suldaanku waxa uu intaasi ku daray qodobka labaad ee udub dhexaadka u noqday doodda Madaxda dhaqanka iyo madaxweyne Biixi ku dhexmartay shirka KULMIYE waxaanu yidhi “Waxaanu leenahay wada shaqayn wanaagsan iyo wada jir wanaagsan ha lagu wada shaqeeyo. Hadba cidda xilka haysa ayay masuuliyaddu saaran tahay; in uu isagu wax sasabo, in uu wax soo dhaweeyo, in uu xilka u qaybiyo, in uu caddaalad ugu garsooro iyo in xisbigu isaga taladii hayee hadba wixii horumar yimaadda dadka u caddaalad ugu qaybiyo haddii ay horumar tahay iyo haddii ay shaqo tahay,” Sidaas ayuu yidhi Suldaanka oo hadalkiisa xoogga ku saaray in dalka wada lahaanshihiisa lagu dadaalo.
Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar oo ka mid ah salaadiinta waaweyn ee gobolka Awdal ayaa hadalka ka daba qaatay Caaqilka, islamarkaana sheegay in aanu muran ku jirin in Boorama tahay caasimadda labaad ee Somaliland “ Kalmad baan saxaya, Suldaan Baade wuxuu yidhi ‘caasimaddii 3-aad baanu nahay’ waxaan leeyahay halmaan hadal kuma jiro oo wuu yar halmaamay ee caasimaddii 2-aad ee Somaliland waa magaalada Boorama. Xeer baa jira oo odhanaya ‘marka madaxweynuhu xaggaa yahay madaxweyne xigeenku waa meel, marka caasimaddu xaggaa tahay caasimad xigeenku waa meel’ bahasha qaydhiinka lagu qaybsaday ee sidaa ha loola socdo,” ayuu yidhi Suldaan Samatar.
Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal ayaa isna sii xoojiyay doodda ah in Boorama tahay caasimadda labaad ee Somaliland “Waxa loo baahan yahay waxyaabaha ururiska ah ee caasimadaha, baarlamaannada, golaha fulinta iyo ammuuraha ururiska loo baahan yahay marka anagu waxaanu is idhi saaxiibkay Maxamuud Xaashina aad buu ii soo eegayaaye yaan caasimadda labaad la idinka riixin ayaan is idhi,” Sidaas ayuu yidhi Suldaan Dhawal
Hase ahaatee madaxweyne Biixi ayaa gaashaanka u daruuray hanka reer Awdal ee ah in caasimadda labaad noqoto Boorama waxaanu sheegay in arrintaas ay si weyn uga soo horjeedaan bulshada gobollada Bari oo u aragta in dalka intiisa badan Bari yahay “Qolada (Barigu) waxay yidhaahdeen dalkana boqolkiiba labaatan (20%) ayaad ka tihiin dadkiina idinka uun baa is cajabiyay oo waxaa tidhaahdeen ‘Gabiley madaxweyne, Boorama madaxweyne xigeen waana 100km’ suldaankuna imika wuxuu yidhi haddii madaxweynuhu sidan yahay Boorama ha noqoto caasimadda 2-aad, oo haddii madaxweynuhu Hargeysa noqdo oo ku xigeenku Boorama noqdo dalkiina aynu 20% ka nahay Somaliland-ta kale maxay inagu odhanaysa?,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Biixi oo si kulul u hadlayay.
Waxaanu intaas ku daray “Intaas waxaan u caddaynaya waxaan ka jawaabaya dooddii ahayd wax ha la wada lahaado, ha la is tixgeliyo, Qaranka isku hay, Qaranku ha midoobo, isu jiid, reer Galbeedku ha ila jiideen dalku in uu midoobo oo wax badan ha qadariyeen.”
Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay doorashada baarlamaanka oo tabashada Awdal qayb ka tahay dib u dhaceeda “ qabsoomida doorashada waxyaabaha hor taaggan waxa ka mid ah in gobollada qaar saluugsan yihiin tirada xubnaha ugu jira baarlamaanka oo ay leeyihiin ‘codkayaga inta in ka badan ayaanu ku helayna’ waxaynu nidhi ha la qaado tiro koob dalka oo dhan ah, dhaqaale uma hayno oo ma qaadi karno labadii madaxweyne ee horena waxay u qaadi waayeen taag darro dhaqaale caalamkuna inagama caawiyo in ay tiro koob dalka oo dhan ah samayno, gobollada cabanaya ee leh codkayagu tiro inta ka badan ayuu soo saaraya ee ha la tiriyo qof iyo codkiisa waxa kow ka ah gobolka Awdal, waanu idinla qirsanahay in aad gobol weyn oo weliba ilbax ah oo dawladda jecel oo qof walba oo reer Awdal ah doorashada ka qayb qaato oo tiro badan keentan Somaliland way idiin ogoshahay. Walaalayaal gobollada idinla midka ah ee Bariga ee Sanaag waxay ka wayn tahay gobolka Awdal, Gabiley, Maroodijeex iyo Saaxil oo la isku daro,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi oo intaas ku daray in gobollada Bari aanu codkoodu muuqan iyada oo dadku reer guura yahay ama meelaha qaar aan laba gaadhi Karin maaddaama waddo xumo jirto laakiin, aanu bulshada codkoodu yarayn.
Waxa uu madaxweynuhu sheegay in gobollada Galbeedku ku dhawaad lixdan xildhibaan ku leeyihiin Wakiillada iyaga oo dalka ka ah 20% taasna aanay dawladnimada isu haynta bulshadu ogolayn “Umadda Somaliland ee isugu timid halkan; Madaxweyne, saddexdii Gole Qaran, shacbi weyne iyo martidii xisbiyada oo dhan waxa la raba Hargeysa iyo Awdal Galbeedku in ay dabciyaan doodda ah cod badan baanu leenahay waar inta dadka kale la idinla gaadhsiinayo goobaha cod bixinta ee codkooda la keenayo waxa la idinka doonaya in aad dabcisaan doodda oo aanu magan idiinka nahay,” Sidaas ayuu yidhi madaxweynuhu.
Guddoomiye xigeenka Wakiillada Somaliland Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa dhawaan VOA u sheegay in rabitaanka in la kordhiyo saamiga gobollada Galbeedku ku leeyihiin Wakiilladu tahay dareen ay qabaan shacabka ku nool Awdal, Boorama iyo ilaa tuulooyinka oo ay mar walba is weydiinayaan waxa arrinta laga qabanayo lamana oga in mawqifka adag ee madaxweyne Biixi wax ka bedeli doono aragtidan.