Connect with us

somalilandtoday.com

Gabadh Yar Oo Puntland Lagu Kufsaday Kadibna Si Arxan Darro Ah Loo Dilay

focus

Gabadh Yar Oo Puntland Lagu Kufsaday Kadibna Si Arxan Darro Ah Loo Dilay

(SLT-Gaalkacyo)-Waxaa magaalada Galkacyo meydkeeda laga helay gabadh yar oo 12 sano jir ah, taasi oo shalay laga afduubay halkaasi. Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in meydkan gabadhan yar la soo dhigay meel aan ka fogeyn xaafadooda.

Taliyaha booliska Gobolka Mudug ee qeybta Puntland Gashaanle Sare Axmad Cismaan Cali ayaa arrintaasi BBC-da u xaqiijiyay.

“Gabadhaasi way dhimatay, intii dhashay samir iyo iimaan alle haka siiyo, ilma yar ayay ahayd, reekooda ayaa adeeg u dirsaday, ka dibna waa la afduubtay” ayuu sheegay sarkaalkan ka tirsan booliska.

Taliyaha ayaa intaa raaciyay in baadhayaashu ay caddeeyeen in ilmahaasi yar jirdil iyo kufsi loo geystay, wuxuuna intaa ku daray in dadkii lagu tuhmayay in arrintaasi ay ka dambeyeen lagu raad joogo, kuwa kalena loo soo qabtay falkan foosha xun.

Waxaa kale oo taliyaha uu sheegay in haatan ay wadaan baaritaan ku aadan arrintaas oo ay doonayaan in dadkii geystay falkan cadaaladda la hor keeno.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top