Connect with us

somalilandtoday.com

Ex Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Ka Hadlay Siduu Ku Galay Golaha Dhexe Ee KULMIYE Iyo Wasiiradii Siilaanyo Ee Waayay.

focus

Ex Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Ka Hadlay Siduu Ku Galay Golaha Dhexe Ee KULMIYE Iyo Wasiiradii Siilaanyo Ee Waayay.

(SLT-Hargaysa) Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa waxa uu si cad uga hadlay hankiisa siyaasadeed ee Xisbiga KULMIYE, qaabkii uu ku helay kaadhka golaha dhexe ee KULMIYE iyo waliba sida ay u dhacday in ay xubno wasiirradii hore ka mid ahaa maanta uga maqan yihiin shirka Golaha dhexe ee Boorama ka qabsoomay.

Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo mar dhawayd qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxa uu ku yidhi sidan: “Siyaasiyiinta degan ama xigmadda u saaxiibka ahi ma qariyaan hankooda iyo hilinka ay u marayaan, sidoo kalana waxa ay yaqaanaan hoos walba hadalka ku

haboon, sidaas awgeed shirkan golaha dhexe sida qorshaysan lagu dooran maayo hogaanka sare ee xisbiga se’ waxa la qabyo tirayaa meelo yar-yar oo banaanaa ama aan gole dhexe ansixin anniga iyo ujeedadayda xisbigana “xaya-cala-salaah iyo hadeeda”.


Siyaasiyiinta kamid ka ahaa xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee aan nasiibka u helin inay maanta ka soo qayb-galaan shirkan, ama ba’se aan helin kaadhka golaha dhexe waxaan jecelahay inaan cadeeyo in aan ujeedo gaara oo looga gol-leeyahay jirin, anniguba kuma jirin golaha dhexe laakiin boos banaan ayaan galay, wasiir Xagla-toosiye qudhiisu kuma jirin golaha dhexe balse nin baneeyay ayuu booskiisa galay, sidaas awgeed ma jirto faquuq u gaara siyaasiyiintaas aan helin kaadhka golaha dhexe hadii iyaga la cadaadinayo ama cidi faquuqaysana waan ka gil-gilan lahaa laakiin xisbigu xurmo iyo xaqdhawr iyo abaal-dahabi ah ayuu u hayaa siyaasiyiintaasi miisaanka ku leh bulshadda”. Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Madaxtooyadu.
Maalmihii ugu dambeeyey waxa si weyn loo hadal hayay halka ay marayso hanka siyaasadeed ee Siyaasi Xaashi iyo waliba arrimo kale oo la xidhiidha xaaladda xisbiga KULMIYE.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top