Connect with us

somalilandtoday.com

Soomaaliya Oo Sannadkan Qabaneysa Hoggaanka Golaha Wasiirrada Jaamacadda Carabta

focus

Soomaaliya Oo Sannadkan Qabaneysa Hoggaanka Golaha Wasiirrada Jaamacadda Carabta

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya ay madax u noqoneyso Golaha Wasiirrada ee Jaamacada Carabta.

Amb. Cawad ayaa sheegay in lixda bilood ee soo socota ay Soomaaliya qaban doonto Hoggaanka Golaha Wasiirrada Jaamacadda Carabta tan iyo sanadkii 1974-kii.

Soomaaliya ayaa 10 sano ka hor shir guddoomisay Shirka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta ee ka dhacay Qaahira, waxaana xilligaas shir guddoomiyay Wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Wasiir Cawad ayaa ka mid ah waft Madaxweyne Farmaajo ee ka qeyb galaya shirka hoggaamiyayaasha dalalka Carabta iyo kuwa Midowga Yurub ee maanta ka furmaya Magaalada Sharma Sheekh.

Shirka maanta ka furmaya Magaalada Sharma Sheekh waxaa ka qeybgelaya 22ka Hoggaamiye ee Waddamada Jaamacadda Carabta iyo 28-ka Hoggaamiye ee Waddamada Midowga Yurub.

Waxaa shirkan diiradda lagu saarayaa Maalgashiga, xidhiidhka, la dagaallanka Argagixisada iyo sidii loo yareyn lahaa Muhaajiriinta ka baxa Waddamada Carabta ee u tahriiba dalalka Yurub.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top