Connect with us

somalilandtoday.com

Ma Madaxweyne Biixi Ayaa Qaddiyadda Somaliland Ka Tanaasulay Mise Dr Abiy Axmed Ayaa Aqoonsaday Xuduudaha Somaliland?

focus

Ma Madaxweyne Biixi Ayaa Qaddiyadda Somaliland Ka Tanaasulay Mise Dr Abiy Axmed Ayaa Aqoonsaday Xuduudaha Somaliland?

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubno miisaan leh oo ka mid ah golihiisa wasiirrada ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la qaatay ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed iyo xubno sare oo golihiisa wasiirrada ah.


Sida ay dhinacyadu saxaafadda u sheegeen waxa laga wada hadlay arrimo la xidhiidha iskaashiga labada dal oo soo jireen ah laakiin, waxa jira su’aalo badan oo aanay xukuumadda Somaliland bulshada u sharrixin kuwaas oo daaran waxa uu noqonayo mustaqbalka xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, wada shaqaynta dhaw ee dhexmaraysa xukuumadda madaxweyne Biixi iyo xukuumadda madaxweyne Farmaajo, heshiiska ah in dalalka gobolku dhawran wada jirka dhuleed ee dalalka ee madaxtooyada Somaliland sheegtay in ay kula heshiisay Itoobiya iyo arrimo kale.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga WADDANI Marwo Faadumo Siciid Ibraahim ayaa soo bandhigtay su’aalo door ah oo xukuumadda madaxweyne Biixi looga baahan yahay in ay bulshada u sharraxdo kuwaas oo ay ka mid yihiin erayada uu isticmaalay xafiiska ra’isal wasaaraha Itoobiya oo Somaliland ku sheegay maamul iyo arrinta ah in madaxweyne Biixi ka aqbalay Dr Abiy Axmed in uu wada shaqayn dhaw la yeesho federaalka Soomaaliya.

Xoghaye Faadumo Siciid oo arrimahan ka hadlaysa ayaa tidhi“ Waxa xusid mudan erayada la isticmaalay ee ay leeyihiin Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu aqbalay inuu si wanaagsan ula shaqeeyo Dowladda(Federaalka Somalia), markaa labada wax ee la isticmaalay waa maxay ,maamulka Somaliland oo aqbalay inay Dowladda Fadaraalka ee Soomaaliya la shaqeeyaan,haddaba Ina Kaahin(Wasiirka arrimaha gudaha) wuxuu inagu yidhi ‘Macno ma laha in la isticmaalo maamul’, taasi maxaa ka sii xun? qoraalka ka soo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ee ay leeyihiin “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan” waa tii uu Raysal-wasaaraha Itoobiya uu qoray ayey iyaguna soo saareen waa maamulka Somaliland oo la shaqaynaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.”

Waxa kale oo ay intaasi ku dartay “19-kii bisha ayuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka dhoofay madaarka caalamiga ah ee Cigaal isaga oo huwan sharaftii iyo maamuuskii Qarannimada Somaliland, shalay(dorraad) oo Jimce ah 22-kii bishana waxa uu soo noqday isaga oo magacii maamul ku soo celiyay huwan, oo weliba wasiirkeenii Daakhiligu ku faanayo oo leeyahay maxaa ka macno ah.”

Waxa ay Marwo Faadumo madaxweynaha ugu baaqday in uu tafaasiil ka bixiyo su’aalaha safarkiisii hadheeyay “Anagu waxaanu ka doonayna madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi in uu noo caddeeyo miyaynu tuurnay Qarannimadeenii? Miyaynu qaadanay maamul gobolleed? Goormaynu wada shaqayn yeelanay Soomaaliya? Goormaynu xoojinayna wada shaqaynta halkan lagu xusay ee qoran? Waxa weeye mugdiyo fara badan fara badan ayaa meesha ku jira, marka maanta maaha in aynu ku faanno waa nala soo dhaweeyay ee hadh madow ayaa Qarannimadii Somaliland ku habsaday in la iftiimiyo oo la caddeeyana waa loo baahan yahay.”

Marka laga yimaaddo doodda xisbiga WADDANI waxa xusid mudan in marka la eego qaabkii loo qaabilay madaxweynaha Somaliland dadka siyaasadda odorosa sheegayaan in aanay waxba iska bedelin xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya oo ay intii Dr Abiy Axmed xilka hayay hadhaysay in uu kaliya la macaamilayo Madaxweyne Farmaajo horena Farmaajo u sheegay in uu soo xidhay gacan Itoobiya kaga furnaa Soomaaliya.

Hase ahaatee hadallada ka soo baxay madaxtooyada Itoobiya, Villa Soomaaliya iyo qasriga Somaliland ayaa abuuraya doodo kale. Xukuumadda Somaliland ayaa u muuqata in aanay dhibsan hadalka xafiiska ra’isal wasaare Abiy Axmed ee ah in madaxweyne Biixi aqbalay wada shaqayn dhaw oo uu Federaalka Soomaaliya la yeesho iyo sidii degdegga ahayd ee Villa Soomaaliya arrintan ugu sacabo tuntay oo dareen weyn abuurtay kaas oo ku saabsan in Dr Abiy Axmed ku qanciyay in Madaxweyne Biixi ku daba faylo Farmaajo.

Waxa kale oo dood abuuraya warsaxaafadeed madaxtooyada Somaliland soo saartay 21-kii bishan oo qayb ka mid ah u dhignayd “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay soo dhawaynaysaa, lana qabtaa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed in Geeska Afrika noqdo meel nabad ah. Dalalka Geeska Afrikana iyadoo mid walba la qadarinayo jiritaankooda dhuleed iyo madax-bannaanidooda qarannimo, in ay iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarka mandaqadda.”

Ma cadda in madaxweynaha Somaliland aqbalay in Itoobiya qadarinayso jiritaanka dhuleed iyo madax bannaanida Soomaaliya oo Somaliland ku jirto sidaasna uu kula shaqeeyo iyo in ra’isal wasaaraha Itoobiya aqbalay in Somaliland goonideeda loogu tixgeliyo dhul ahaan iyo madax bannaani sidaasna ay dalalka gobolka kaga mid noqoto. Su’aasha taaggan ayaa ah Ma Madaxweyne Biixi Ayaa Qaddiyadda Somaliland Ka Tanaasulay Mise Dr Abiy Axmed Ayaa Aqoonsaday Xuduudaha Somaliland?

Ugu dambeyna waxa la dhawraya doorka dawladda Itoobiya ka qaadato dhexdhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya oo la rumaysan yahay in kulamada lagu soo qaaday in dib loo bilaabo wada hadalladii labada dhinac. Itoobiya oo isku haysa qoomiyado kala duwan ayaa la sheega in aanay marnaba taageeri Karin kala go’ida Somaliland iyo Somalia.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top